WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 28-KA DICEMBAR 2017-KA

0
Thursday December 28, 2017 - 07:43:08 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 28-KA DICEMBAR 2017-KA

    GUD.TAABID OO DIGNIIN ADAG U DIRAY DADKA MUSUQ MAASUQA SAMEEYA Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay dham aatay xilligii dadka shacabka ah xo og lacago aan sharci ahaydn loogu qaadi jiray. Guddoomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUD.TAABID OO DIGNIIN ADAG U DIRAY DADKA MUSUQ MAASUQA SAMEEYA Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay dham aatay xilligii dadka shacabka ah xo og lacago aan sharci ahaydn loogu qaadi jiray. Guddoomiyaha ayaa she egay in ciddii lagu qabtaa iyadoo sha cabka lacago baad ah ka qaadeysa in tallaabo sharci ah ay ka qaad ayaan.

Waxa uu xusay inay si adag ula dagaallamayaan musuqmaasuqa iyo lacagaha aan sharciga ah ahayn ee shacabka laga qaadayo. Waxa uu shacabka Muqdisho ku dhiirir gel iyay inay diidaan bixinta lacago laal uush ah ayna si deg deg ah ula soo xiriiraan maamulka gobolka haddii ay la kulmaan arrimo noocaan oo kale ah.

Guddoomiye Thaabid ayaa sheeg ay in musuqmaasuq uu yahay mid si daran u saameeyay shacabka Mu qdisho.Md. Thaabid ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu kulan loogu hadlaayay deriseynta uu kaga qeyb galay degmada Kaxda ee G.Ba naadir

MD.CUMAR C/RASHIID:"SIYAASADDII DALKA WAXAA KUSOO KORODHAY IN LA IS GAALAYSIIYO

R/lwasaarihii hore ee XFS Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaar ke ayaa mar kale ku eedeeyay dow ladda federaalka Soomaliya inay caburin ku hayso siyaasiyiinta iyo dadka ka araktida duwan. Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaliga ee VOAda ayuu sheegay in madaxda dowladda Soomaliya isku dayayaan inay caburiyaan siyaasiyiinta dalka ku sugan, kuwaasi oo inta badan ka hadla qaladaadka dowladda.

"Siyaasaddii dalka waxaa kusoo korodhay in la is gaalaysiiyo sida AlShabaab lagu yaqaano – qofkii dawl adda hadda jirta ka aragti duwan wa xaa loo adeegsanayaa in uu yahay qaran dumis,annaga haddaan siy aasiyiin nahay waxaan ka hadlaynaa wixii jira, laakin ma habboona in dowl adda ay dadka gaalaysiiyo sida lagu yaqaano Alshabaab”,ayuu yiri Cum ar Cabdirashiid.

Dhanka kale Md.Cumar Cabdira shiid Cali Sharmaarke R/wasaarihii hore ee XF/Soomaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan kali geed waxba qaban Karin islamarkaa na ay u baahan tahay talooyinka siy aasiyiinta Soomaliyeed.

MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO KU BAAQAY IN SI DEG DEG AH LOO JOO JIYO DAGAAL BELEEDKA KA JIRA DEGAA NO KA TIRSAN GOBALKA SOOL.

Muuse Biixi Cabdi Madaxwe ynaha Maamulka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu si kulul uu ugu hadlay Dagaal bee leedyo ka taagan Deegaano katirsan Gobolka Sool.

Deegaanada Dirirta ka socoto ayuu ku sheegay inay u dhaxeyso Soomaaliya, Itoobiya iyo Maamulka uu madaxweynaha ka yahay oo hor ay u sheegay inuu ka go’ay sooma aliya inteeda kale.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweyna ha Somaliland ayaa waxa uu ku ba aqay in la joojiyo colaadda ka jirta de gaanno ka tirsan gobalka Sool,isa goona Sheegay inay wadaan qorhihii looga hort lahaa dagaal beeleedka as. Degaanno ka tirsan gobalka So ol ayaa haatan Waxaa ku dagaala maya labo Maleeshiyo beeleed,kaasi oo sababay khasaaro isugu jira Dhi masho iyo dhaawac.

Qaar Ka Mid Ah Qaxootiga Dha dhaab Oo Dalbaday In Dib Loogu Celiyo Soomaaliya

Illaa iyo 17,000 oo ka mid ah Qa xootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya ayaa ka dalbaday hay’adda Qaxootiga Qaramada Mido obay ee UNHCR in dib loogu celiyo Dalkooda Soomaaliya.

Denis Alma oo ka tirsan hay’adda UNHCR, gaar ah xafiiskeeda Dhadh aab ayaa sheegay in codsiga dadka asi ay qeyb ka tahay qorshe Qaxooti ga Soomaalida ah dib loogu celina yo Dalkooda iyaga oo aan la qasbin.

Waxaana uu intaasi ku daray in sa ddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya dib ugu celiyeen 75,000 oo Qaxooti ah, kuwaasi oo si iskood ah ugu noqday Soomaaliya, iyaga oo taageero ka haleyay UNHCR.

Markii ay bilaabatay qorshaha dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya Sanadkii 2014kii ayaa waxaa hoos u dhacay tirada Qaxoo tiga ku jira Xeryaha Dhadhaab oo ah mida ugu ballaaran Caalamka.

Sarkaal ka tirsan Laanta Qaxooti ga Q/Midoobay ee UNHCR ayaa til maamay in ay joojiyeen safarada dhi naca M/Baydhabo sababo la xiriira Abaaro iyo Cudurro halkaasi ka dil aacay, iyadoo hadda dadka Qaxooti ga ah ay u safri karaan Magaalooyin ka Kismaayo, Diinsoor iyo Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa Sannadkii 2001kii ku dhawaaqday inay xirey so guud ahaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi, kadib markii ay sheegeen in Xeryahaasi laga soo abaabulo weeraro laga fuliyo gudaha Dalkaasi.

Dhawaan ayaa waxaa hay’adda xuquuqda aadanaha ee AMNESTY International ay ku eedeeysay Dowl adda Kenya in si qasab ah ku soo ce lisay Qaxootiga ku jira Xeryaha Dha dhaab ee Dalkaasi

Xildhibaanadda HirShabeelle oo Ansixiyay Golaha Wasiiradda Maamulkaas

Xildhibaanadda baarlamaanka Ma amulka HirShabeelle ayaa shalay ansixiyay Golaha wasiiradda Maamu lkaas ee uu dhawaan soo dhisay Ma daxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Mudane ayaa waxaa ogolaatay 77 Xildhibaan, halka labo Xildhibaan ay diiday, cid ka aamustay ka jirto.

Guddoonka Baarlamaanka Maa mulka Hirshabeelle Sh.Cusmaan Ba rre ayaa ku dhawaaqay in Golaha Wasiirada Hirshabeelle ay yihiin An sax, waxaa la filayaa in dhowaan la dhaariyo Wasiirada.

dorraad oo lagu waday in la ans ixiyo Golaha wasiiraddaasi ayaa lagu kala tagay kulankii lagu ballansanaa ka dib markii qaar kamid ah xildhibaa nnada ay sheegeen in aysan helin mushaaraadkii ay ku lahaayeen ma amulka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan magacaabay Golle wasiirro oo ka kooban 57xubin wax aana is casilay 3wasiir oo ka mid ahaa Xubnihii la magacaabay.


Qalabkii lagula socon lahaa Maa mulka Hawada 

Soomaaliya oo la rakibay

Dowladda Soomaaliya ayaa diya ar garowgii u dambeeyay ugu jirta la soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo maanta la furi doono Xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono ma amulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Sa adaasha Hawada, iyadoo dad loo ta babarayo inay ku shaqeeyaan qalab kan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa maanta ka dhici doonta M/Muqdisho, iyadoo mu naasabadda ay ka qeyb geli doon aan Madaxda dowladda. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max amed C/llaahi Salaad ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya inta aanu dhammaan sanadkan.

Dhowr jeer oo hore ayay dowlad du sheegtay inay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamula yay M/Nayroobi, ayna gacanta ku he ysay Hey’adda ICAO.

Maamulka Hawada Soomaaliya

Daacishta ku sugan Soomaaliya oo soo saartay Muuqaal 

cusub

Koox kor kala socota dhaq dhaq aaqa Kooxda Daacish ayaa shaaciy ay in Muuqaal cusub oo ay soo duub een Kooxda Daacish Faraceeda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkaan cusub ayaa la she egay in uu yahay Mid ugu horreeyay oo ay soo duubaan Kooxda Daacish ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay in Muuqaal kaan ay soo duubeen Kooxda Daac ish inay dadka Muslimiinta ah ay ka ga digayaan inay dabbaal degaan Sanadka cusub.

Daacish waxa ay sheegtay in dad ka Muslimiinta ah inay ugu baaqayso inay beegsaddaan dadka aan Musli miinta Aheyn. Waxa ay sidoo kale sheegeen dadka Muslimiinta in laga doonaayo inay ka qeyb qaataan da gaalkooda. Kooxda Daacish Farac eeda Soomaaliya ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaanno ka tirsan go bolka Bari ee Puntland, waxaana do wladda Mareykanka ay duqeyn ku bil owday Bilihii lasoo dhaafay.

Haweenka ku jira Aqalka Sare oo doortay Hoggaan cusub

Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Ku doortay guddoon u gaar ah kulan ay shalay xildhibannada Aqal ka sare ku yeesheen xaruntooda.

Kulanka ayaa waxaa shir guddo ominayay Guddoomiyaha Xildhibaan nada baarlamaanka Aqalka Sare Md.Cabdi Xaashi cabdullaahi waxa ana kasoo qeyb galay inta badan xil dhibaannada iyo sidoo kale xubno matalayay gobolka Banaadir iyo UNKA .

Guud ahaan xildhibaannada ha weenka ah ee kujira golaha aqalka sare ee dalaka ayaa ka kooban 13 xildhibaan waxa ayna kucodeynaye en 12 xildhibaan madaama hal sanat ar ay xanuunsaneed.

Doorashada ayaa waxa utaag naa ilaa iyo 9 xubnood oo u kala sharrax naa Guddoomiye, Guddoo miye kuxigeen 1aad, Guddoomiye Kuxigeen 2aad, Xog Haye iyo Qasna ji. Doorashada ka dib ayaa waxa Nat iijada Doorashada kudhawaaqay gu ddoomiyaha golaga Aqalka Sare Ca bdi xaashi Candulaahi.

Cabdi Xaashi cabdulaahi Gudo omiyaha Aqalka sare ayaa Waxa uu sheegay in midnimada haweenka ku jira 2bada baarlamaan ay tahay lam ahuraan marka lasameynayo guddi.

Waxa uu sheegay in laga fiican yah ay in labada baarlamaan ay sameyst aan labo gudi mid walba ugaar ah ta asi oo uu sheegay in ay muujineyso kala qubnaanta ka jirta qarannimada Soomaaliya.

Wasiir Jamaal "Mashaariicda Qat ar ka fulineyso Soomaaliya maal maha soo 

socda ayay bilaabanaya an”

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashi ga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xu kuumadda Soomaaliya Jamaal Max amed Xasan ayaa sheegay in maa lmaha soo socda la bilaabanayo fulin ta wajiga 1aad ee mashaariicda horu marineed ee Qatar ka fulineyso So omaaliya. Wasiirka oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee SONNA ay aa sheegay in mashaariicdan ay kaa lin muuqata ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka, isagoo uga mahad celiyay dowladda qatar garab istaag ga shacabka iyo dowladda Soomaali yeed.

Mashaariicdan ayaa isugu jira dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30KM.

Waxaa kaloo mashaariicda qeyb ka ah dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda iyo hourmarinta dhaqaalaha dowladda.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soo maaliya iyo Qatar ay ku kala saxiixd een M/Muqdisho 28kii bishii Nove mber ee sannadkan, iyadoo la rajey nayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dal ka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhis ka kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoo jinta dhaqaalle.

Obama oo ka digay halista baraha bulshada

Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ka digay halista ay leeyihiin baraha bul shada ee loo isticmaalo sida aanan xilkasnimada ahayn. Wareysi dhif iyo naadir ah oo ah kan kaliya ee uu bix iyay tan iyo intii uu xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayuu ku sheegay in macluumaadka qaldan ee la faafi nayo ay keenayaan faham qaldan oo ay dadka qaataan.

Ninkii isaga xilka ka badalay Don ald Trump ayaa lagu yaqaanaa inuu yahay nin aad u isticmaala Twitterka, balse ma uusan soo qaadir mag ac ahaan markuu ka hadlayey

Obama ayaa waraystay amiirka boqortooyada Britain Harry, wuxuu na waraysiga ka baxay idaacadda BBCda ee Radio 4 loo yaqaano.

Waxa uu Obama sheegay in dadka madaxda ah ay aad uga foojignaad aan marka ay baraha bulshada soo dhigayaan fariimaha.

Waxa uu sheegay in wax haatan la qoro ay mustaqbalka noqon kara an wax la rumeysto, isaga oo intaas ku daray in fariimaha la baahinayo aysan noqon kuwa dadka kala qey biya.

Mr. Trump ayaa lagu eedeeyay in uu si xad dhaaf ah u isticmaalo Twitt erka, balse isaga waxa uu ku dood aa inuu kula xiriiro dadka Ameerik aanka ah.

Puntland oo soo bandhigtay dambiyada ka dhacay degaanadeeda 2017

Puntland ayaa soo bandhigay dambiyada ka dhacay degaanadeeda sanadan sii dhamaanaya ee 2017, maadaama Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland uu sanad walba dhamaadkiisa soo saaro dambiyadii ka dhacay guud ahaan Puntland.

Maxamed Cali Xareed oo ah Ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa soo bandhigay dambiyadda ka dhacay Gobolada Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland dambiyadii ka dhacay degaanada Puntland 2017 in ay ahaayeen 3,853 dambi ama kiis.

Gobalka Nugaal 173 dambi

Gobalka Bari 982 dambi

Gobalka Karkaar 351 dambi

Gobalka Cayn 677 dambi

Gobalka Mudug 169 dambi

Gobalka Sanaag 70 dambi

Gobalka Haylaan 150 dambi

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo ka qeyb galay shir ka dhacay 

Morocco

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta Dowladda Fedreaalka Soomaaliya Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ka qeyb galay shir Sanadeedka Wasiirada Guryeynta & Dib u Dhiska Wadamada Carabta Fadhigiisii 34aad oo ka dhacay magaalada Rabat ee dalka Morocco.

Shirkan oo looga hadlayay arrimo ku saabsan fulinta qorshaha Horumarinta deegaameynta dalalka Mandiqada Carabta ee Mustaqbalka dhow.

Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda Soomaaliya ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay dadaalka dowladda ugu jirto horumarinta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye.Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya Eng. Saadaq waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshey dhigiisa Dalalka Morroco, Tunisia, Qatar, Suudaan iyo Masar , isagoo kala hadley xoojinta xiriirka Wadamada Carabta iyo Soomaaliya, waxaana dhankooda ay sheegeen in Soomaaliya ay gacan ka siin doonaan dib u soo celinta dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, Aqoonta tababarada iyo sidoo kale in ay maalgashi ka sameystaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa shirka Wasiiradda Carabta ee Rabat laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen:–

1: In Dowladaha ay aafeeyeen dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinka Dabiiciga iyo kuwa weeraradda argagixiso laga garabsiiyo

2: Fulinta barnaamijka ”Goal 11” kor u qaadista aqoonta Shaqaalaha Wasaarada, Naqshadeynta & Horumarinta Magaalooyinka

3: In Dowladaha Carabta si dhab ah u fuliyaan Ajanadaha Qorshaha Deegaameynta Magaalooyinka Carabta guud ahaa

4: In Dowladaha Carabta ay is dhaafsadaan Macluumaadka iyo Khibradaha Dhismooyinka Iyo Deegaameynta

5: In Shirkaa soo Socda lagu Qabto UAE 2018, Maadama ay Dowladda Isug taga Imaaraadku ay iyadu sidaas codsatey.

Nin Abeeso uu Xanaaneeynayay Dhaawac ay Gaarsiisay ugu Geeriyooday

Magaalada Muqdisho ee Caa

3-Abeeso,1-Abeeso

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


2-Abeeso (1)

simada Dalka Soomaaliya waxaa shalay ku geeriyooday Xarawo qabax oo ahaa nin Xanaaneeyn jiray Abeeso. Ninkaan oo Muddo Dheer Xanaaneeynayay Abeesada ayaa ugu dambeeyntii Ay Qaniinyo ay Qaniintay Darteed shalay ugu geeriyooday Muqdisho.

Ninkaan Ayaa ku xanaaneeynayay Abeesada deegaanka Bandiiradleey ee Gobolka Mudug hayeeshee dhaawaciisa ayaa la keenay Muqdisho.

Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in sidoo kale ninkaan uu xanaaneeynayay Abeesooyin kale .

MARAYKANKA OO XAQIIJIYAY DUQEYN AY KA GEYSTEEN KOOFURTA SOOMAALIYA

War Saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn ka geysteen Koofurta Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in duqeyn ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo ciidamada Milatariga Soomaaliya 24ka bishan December lagu diley illaa 13 ka tirsan ururka AlShabaab.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan duqeynta ay ku hayaan ururka Alshabaab iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee qoraalkan ayaan lagu sheegin goobta la duqeeyay balse waxaa lagu sheegay in duqeyntan ay tahay mid lagu qaaday Koofurta Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka ayaa hore duqeyn ugaga geystey Koofurta Soomaaliya tan iyo markii uu la wareegay madaxtinimada dalka Maraykanka Donald Trump waxaa kordhay duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

Warbixin: Hadal heynta Xayawaan ka Diindiinka ee Muqdisho

Muqdisho maalmahan dambe wa xaa ku soo badatay hadal hayn ah in Diinka ama Diidiinka uu noqday Qa ali, iyadoo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si wayn u hadal hayaan sheekada ku saabsan Diinka.

Goobaha Bulshada ay isugu yima adaan ayaa si wayn looga hadal hay aa sheekada la xiriirta Diinka iyo inuu qaali noqday oo dad ay ku iibsanaya an qarash aad u fara badan.

Sheekooyinka la yaabka leh ee Magaalada Muqdisho lagu arkay ay aa waxaa ka mid ah Diinka in lagu kala iibsanaayo lacag ka badan 50 kun oo doolar, balse Diinkaasi lacag ta laga bixinaayo Shuruud ayaa la so cota.

diin111 Shuruuda ayaa waxa ay tahay in Diinka uu noqdo mid marka la dul sa aro taleefoonkaaga gacanta uu da maayo, waana midka loo baahan ya hay oo lacagta badan lagu kala iibs anaayo, balse lama oga sababta tale efoonka gacanta uu u damaayo mar ka laga agdhawaado Diinka.

Shuruudo kale, ayaa waxa ay ta hay in Diidiinka loo baahan yahay uu yahay mid anteenada ay ka tageyso Taleefoonkaaga gacanta, marka la dul saaro Diinka.

Shuruudosdde ah ayaa waxa ay tah ay in fure ama bir haddii loo dha weeyo ay ku dhageyso dusha xaya waanka Diinka, haddii dhammaan as taamahan lagu arko waa midka loo baahan yahay Diinka, balse astaanta ugu muhiimsan ee lacagta badan la gu kala iibsanaayo Diinka ayaa ah midda taleefoonka damaayo.

Maxamed Yuusuf Xaayow oo da llaal ka ah, kala iibinta Diidiidanka, a yaa sharaxaad ka bixinaayo lacagta Diinka lagu kala iibsado iyo astaam aha lagu xusho, isaga oo sheegay in Diinka qarash badan lagu kala iibsa do.

Waxaa suuragal ah sanado badan inaad arkeysay Diidiinka oo agtaada maraya ama gurigaaga ku nool, ba lse sidee ayaad ku aaminaysa sheek ada la xiriirta in Diidiinka uu hadda qaali ka yahay Magaalada Muqdi sho.

Markii ay soo baxday sheekada Diidiinka ku saabsan, dad badan ay aa damac galay oo xittaa bilaabay ra adinta Diidiinka si uun ay lacag uga helaan, haddii uu noqdo midka loo baahan yahay.

Ajaanib ku sugan Magaalada Muq disho ayaa la sheegay inaya ka dam beeyaan qorshaha uu qaaliga u noq day Diinka, waxayna dantooda tahay inay qalaan, ka dibna ay ka soo dhex saaraan Jawharad ay ku iibsanaya an qarash badan.

MA LAGA YAABAA IN WADAMADA IMAARAADKA IY QADAR KU DAGAALA 

MAAN SOOMAALIYA GUDAHEEDA?

Saameynta Soomaaliya Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka Gaar ahaan Wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Xaaladda Siyaasada Soomaaliya ee Xilgaan, waxaana Moodaa In Khilaafkaas marba marka ka dambeysa uu sii Xoogeysanayo.

Khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Qadar sow lagama yaabo in Labadaan wadan ay ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda aniga waxaan ka mid ahaa dadka aan aamisaneyn Dagaal uu dhexmaro Labadaas Dal hase yeeshee Dhawaan ayaan Xaqiiqsadey in ay dhici karto Labadaas Wadan ay ku Dagaalami karaan Soomaaliya

Dhawaan ayaa Safaarada Qadar ku leedahay Soomaaliya Gaar ahaan Agagaarka Km4 ayey Difaaceedii soo Fogeysey ilaa ay u soo dhawaatey Isbitaalka Deva, waxaana markiiba ka qayliyey ardey Jaamacadaha halkaas ku yaal iyadoo Safaarada ku andacootey in Difaacaan uu yahay mid ay ku Xaqiijineyso Amaankeeda.

Dad badan ayaa wax caadi ah u qaatey Difaacaas hase yeeshee si aan wax badan uga ogaano waxa keeney Xiligaan la dheereeyo Difaaca Safaarada, Sida darteed Qof Deris la ah Safaaradaoo aan wax ka weydiiyey Difaaca la soo fogeeyey ayaa yiri" Safaarada ka Qadar ka cabsanmeyso Soomaali Weerar kaga yimaada waxaa cabsida ugu weyn ee Xiligaan heysata Safaarada ay tahay in Weerar uu kaga yimaado Dhinaca Dowlada Imaaraadka Carabta” Hase yeeshee Qorshaha Safaarada Qadar ee Sii xirada Wadada waxaa diidey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Dhawaan la furi doono Wadada Cabdi Qaasim ee ka tagta Km 4.

Tan iyo Markii ay dhacdey Dowladii Kacaanka Soomaaliya Faragelinteeda waxay soo martey Heerar kala duwan , Mar waxaa Fagelin ku hayey Talyaaniga , mar Itoobiya iyo erteriya, mar Dowlada Kenya , Mar Masar , marna Liibiya , Marna Mareykan, waxay Hadba meel soo Tu’ato Faragelintaas maanta waxay mareysa wadamada Imaaraadka iyo Qadar marka ha Fogeysan in Dagaal ku dhexmaro Gudaha Dalka Wadamadaas marka ilaahayow Amuuraha Sahal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

EMail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

EMail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

BOGGA CAYAARAHA

SIR ALEX FERGUSON OO LA OGAADAY INUUSAN LA DHACSANAYN QAABKA MOURINHO..

Tababarihii hore ee Manchester United ayaa la ogaaday inuusan la dhacsanayn qaabka tababare Jose Mourinho uu kooxda u wado xiliciyaareed kaan.

Laacibkii hore ee Manchester United Dwight Yorke ayaa sheegay inuu la hadlay Sir Alex Ferguson isla markaana uu ka ogaaday inuusan la dhacsanayn qaabka kooxdu ay tahay xiliciyaareed kaan.

Dwight Yorke ayaa cadeeyay in dhamaan lawada filayay in Man United ay xiliciyaareed kaan u tartami doonto horyaalka, balse laga xumaaday in kala barka xiliciyaareedka uu tababaruhu dhaho ma nihin koox wayn.

"Sir Alex lama dhacsana sida ay yihiin wax yaabaha qaar ee uu arkayo xiliciyaareed kaan, waa waajib inaan sidaas iraahdo” ayuu yiri Dwight Yorke oo isbuucii hore la sheegaystay Ferguson.

"Ma jiro wax niyad jabinaya Sir Alex Ferguson, laakiin waxaan rumaysanahay inuu ku faraxsanyahay shalay inuusan ku jirin kubadda cagta oo banaanka uun uu ka daawanayo”.

"Bilowgii xiliciyaareedka waxaan filaynay in United ay u tartami doonto horyaalka, rajo fiican ayaa laga filayay tababaraha iyo ciyaartoyda, laakiin in tababaruhu uu soo baxo kala barka xiliciyaareedka isla markaana uu yiraahdo ma nihin koox wayn, ma ahan wax aan fahmi karo”.

BARCELONA OO WADAHADALO AY KU DOONAYSO ANGEL DI MARIA LA FURAYSA PSG

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay wada hadal la furto dhigeeda PSG si ay u soo xerogaliso laacibkii hore ee Real Madrid.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay dib wadahadal ula furayso PSG kadib wadahadaldii burburay ee suuqii xaggaaga.

Barcelona ayaa ku dalbanaysa Angel Di Maria lacag dhan 45 milyan oo euro oo lagu daray 15 milyan oo ah lacago dheeri ah, waana isla dalabkii hore ee PSG ay ka diiday suuqii xaggaaga.

PSG ayaa ku qasban inay iska iibiso Angel Di Maria, maadama laga cabsi qabo kooxdu inay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.

Angel Di Maria ayaa kula jira kooxdiisa heshiis dhacaya 2019, wuxuuna doonayaa inuu ka garab ciyaaro Messi oo ay isku xul yihiin.

RASMI: Liverpool Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Kabtankii 

Southampton Ee Virgil van Dijk.

Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday heshiiska rekoodhka aduun ah ee ay la gaadhay kooxda Southamtpon kaas oo ay kula soo wareegtay difaaca ree Holland ee Virgil van Dijk. Liverpool ayaa jamaahiirta kooxdeeda iyo kubbada cagta aduunka kaga yaabsatay sida deg dega badan ee lama filaan ah oo ay ugu dhawaaqday heshiiska Virgil van Dijk kaas oo haddaba noqday ciyaartoyda Reds ah.

Waqti badani kama soo wareegin markii aanu idiin soo gudbinay xogta heshiiska Virgil van Dijk ee ay Liverpool kula heshiisay kooxda Southampton laakiin isla markiiba kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiskan xidigan kaas oo sharci ahaan January 1,2018 si rasmi ah u xidhan doona maaliyada Liverpool.

War rasmi ah oo Liverpool ku shaacisay heshiiska Virgil van Dijk ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay cadayn kartaa in ay heshiis la gaadhay Southampton ee la soo wareegista Virgil van Dijk. Liverpool waxay heshiis la gaadhay kooxda ceebta koonfureed iyo ciyaartoyga laftiisa kaas oo 26 sano jirkan difaac ahi Anfield ugu soo biiri doono January 1,2018 marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu dib u furmo”.

Liverpool ayaa xataa ku dhawaaqday lambarka uu Virgil van Dijk u qaadan doono kooxdeeda waxaana la siiyay No.4 iyada oo qoraalka lagu sheegayo ayaa lagu yidhi: "Xidiga heer caalami ee ree Netherlands waxa la siiyay lambarka 4 aad waxayna ku xidhan tahay soo gaadhistiisa Liverpool”.

Liverpool ayaa si layaableh u dhamaystirtay heshiiska Virgil van Dijk oo ay marka hore ka bixin doonto 70 milyan gini iyada oo lacagtani gaadhi doonta 75 milyan oo gini. Dhinaca kale Virgil van Dijk ayaa si guulaysatay uga gudbay tijaabada caafimaadka Liverpool wuxuuna ogolaaday heshiiska shaqsiga ah.

Waxa kale ee uu Virgil van Dijk hadda sugayo ayaa ah in suuqa kala iibsiga January uu si rasmi ah u furmo January 1, 2018 markaas oo diyaar u noqon doono in uu si toos ah qayb uga noqdo shaxda Jurgen Klopp ee ay dhibaatada difaac soo haysatay.

Dhinaca kale heshiiska ay Liverpool kula soo wareegtay Virgil van Dijk ayaa ah kii abid ugu qaalisanaa ee difaaca lagula soo wareego isaga oo jabiyay rekoodhkii Kyle Walker ee ay Manchester City suuqii xagaagii dhawaa kula soo wareegtay 54 milyan gini.

Ugu danbayn heshiiskan qof kasta lama filaanka ku noqday ee ay Liverpool jamaahirita kooxdeeda kaga naxsatay ayaa ka caawin doona in uu xaliyo ama ugu yaraan uu horumarin ku sameeyo dhibaatada difaaca Liverpool isaga oo waliba xaq buuxa u leh in uu ka ciyaari karo Champions League maadaama oo aanu tartamada Yurub ka soo ciyaarin.

Pele Haddii Aan Uu Ciyaari Lahaa Kubadda Cagta Waqtigaan Waxaan U 

Ciyaarilahaa …

Pele ayaa sheegay inuu u ciyaari lahaa kooxda Barcelona haddii waqtigaan uu ku jiri lahaa garoomada.

Wuxuuna intaa ku daray inuu jeclaan lahaa ka garab ciyaarida Lionel Messi, Luis Suarez iyo Philippe Coutinho.

77 jirkaan oo waraysi gaar ah siiyay TVga ruushka ee RT ayaa yiri:

"Haddii haatan aan ciyaari lahaa, waxay u badnaan lahayd inaan ku biiro Barcelona oo kaliya”.

"Waayo waxay u ciyaarayaan sidii Santos (kooxdiisii hore ee Brazil), waxaan rumaysanahay in ka ciyaarida Catalonia ay inbadan raaxo ii ahaan lahayd”.

ENGLAND PREMIER LEAGUE

Newcastle United 0 1 Manchester City

ITALY COPPA ITALIA

Milan 1 0 Inter




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip