Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la Sheegay inay kala xireen Degaano ka tirsan Gobalka Gedo.

0
Wednesday December 27, 2017 - 11:15:36 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la Sheegay inay kala xireen Degaano ka tirsan Gobalka Gedo.

    Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolkaas inay go'doomiyeen Al-Shabaab oo aan la isugu gudbi Karin, islamarkaana ay adag tahay in dadka ku nool ay helaan Adeegyada muhiimka u ah nolosha Bini'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolkaas inay go'doomiyeen Al-Shabaab oo aan la isugu gudbi Karin, islamarkaana ay adag tahay in dadka ku nool ay helaan Adeegyada muhiimka u ah nolosha Bini'aadamka.

Deeganada hadda go’doonsan waxaa ka mid ah Garbahaareey , Baardheere iyo deegaano kale oo Gedo ka tirsan, mana ahan deegaanadii ugu horeeyay oo ay go’doomiyaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Wali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhibaato adag ay ka jirto deegaanada ay shabaabka go’doomiyeen oo noloshu ay tahay mid aad u adag.

Dhanka kale Ugaaska ayaa sheegay in golaha deegaanka ee gobolka Gedo oo la qorsheynayay in la dhiso aanan la dhisi Karin inta go’doonka ay ku jiraan deeganada ay Shabaabku go’doomiyeen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip