Xildhibaanadda Hir-shabeelle oo Ansixiyay Golaha Wasiiradda Maamulkaas

0
Wednesday December 27, 2017 - 11:10:36 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadda Hir-shabeelle oo Ansixiyay Golaha Wasiiradda Maamulkaas

    Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa goordhaweyd ansixiyay Golaha wasiiradda Maamulkaas ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa goordhaweyd ansixiyay Golaha wasiiradda Maamulkaas ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Mudane ayaa waxaa ogolaatay 77 Xildhibaan, halka labo Xildhibaan ay diiday, cid ka aamustay ka jirto.

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Shiikh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay in Golaha Wasiirada Hir-shabeelle ay yihiin ansax, waxaa la filayaa in dhowaan la dhaariyo Wasiirada.

Shalay oo lagu waday in la ansixiyo Golaha wasiiradda ayaa lagu kala tagay kulankii lagu balasanaa kadib markii qaar kamid ah xildhibaanadda ay sheegeen in aysan helin mushaaraadkii ay ku lahaayeen maamulka.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan magacaabay Golle wasiirro oo ka kooban 57-xubin waxaana iscasilay 3-wasiir oo ka mid ahaa Xubnihii la magacaabay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip