Waxaana uu intaasi ku daray in saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya dib ugu celiyeen 75,000 oo Qaxooti ah, kuwaasi oo si iskood ah ugu noqday Soomaaliya, iyaga oo taageero ka haleyay UNHCR.

Markii ay bilaabatay qorshaha dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya Sanadkii 2014-kii ayaa waxaa hoos u dhacay tirada Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab oo ah mida ugu ballaaran Caalamka.

Sarkaal ka tirsan Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa tilmaamay in ay joojiyeen safarada dhinaca Magaalada Baydhabo sababo la xiriira Abaaro iyo Cuduro halkaasi ka dilaacay, iyadoo hadda dadka Qaxootiga ah ay u safri karaan Magaalooyinka Kismaayo, Diinsoor iyo Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa Sanadkii 201-kii ku dhawaaqday in ay xireyso guud ahaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi, kadib markii ay sheegeen in Xeryahaasi laga soo abaabulo weeraro laga fuliyo gudaha Dalkaasi.

Dhawaan ayaa waxaa hay’adda xuquuqda aadanaha ee AMNESTY International ay ku eedeeysay Dowladda Kenya in si qasab ah ku soo celisay Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalkaasi