DHAGEYSO: G/Taabid oo digniin adag u diray dadka Musuq maasuqa Sameeya

0
Wednesday December 27, 2017 - 10:10:12 in Wararka by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: G/Taabid oo digniin adag u diray dadka Musuq maasuqa Sameeya

    Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay dhamaatay xilligii dadka shacabka ah xoog lacago aan sharci ahaydn loogu qaadi jiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay dhamaatay xilligii dadka shacabka ah xoog lacago aan sharci ahaydn loogu qaadi jiray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabtaa iyadoo shacabka lacago baad ah ka qaadeysa in talaabo sharci ah ay ka qaadayaan.

Waxa uu xusay in ay si adag ula dagaalamayaan musuq maasuqa iyo lacagaha aan sharciga ah ahayn ee shacabka laga qaadayo.

Waxa uu shacabka Muqdisho ku dhiira geliyay in ay diidaan bixinta lacago laaluush ah ayna si deg deg ah ula soo xiriiraan maamulka gobolka hadii ay la kulmaan arrimo noocaan oo kale ah.

Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in musuq maasuq uu yahay mid si daran u saameeyay shacabka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu kulan loogu hadlaayay deriseynta uu kaga qeyb galay degmada Kaxda.

Audio Player
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip