Somaliland oo ka jawaabtay War ka soo baxay Xuutiyiinta ka dagaallama dalka Yemen

0
Wednesday December 27, 2017 - 10:04:04 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ka jawaabtay War ka soo baxay Xuutiyiinta ka dagaallama dalka Yemen

    Maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay War la sheegay in uu kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo ku aadana in ay gantaallo ku garaaci doonto Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshadda ayaa lagu soo bandhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay War la sheegay in uu kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo ku aadana in ay gantaallo ku garaaci doonto Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Rag u muuqday in ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen oo hanjabaado u soo diraya Somaliland.
Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan jirin War rasmi ah oo ka soo gaaray Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay ka jawaabi doonaan hadii Xuutiyiinta ay u soo diraan War rasmi ah.

‘’War rasmi ah oo arintan ku saabsan oo naga soo gaaray Xuudutiyiinta ma jiro, markii hore aan arrinka galnayna waxyaabo badan in ay dhici karaan weynu ogeyn oo sidaa ayeeynu Dan Moodnay, waayo danbeynu u galnay markii horeba arinta Berbera, Dantiina wali wey taagan tahay, haddii uu War naga soo gaaro Xuutiyiintana waan ka jawaabi doonnaan’’ ayuu yiri Wasiirka.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay ka caroodeen saldhigga dowladda Imaaraadka ay ka furaneyso Magaalada Berbera ee Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip