Fiqi: Ninkii raba weerar sharcidaro inuu dadka ku dilo Shabaab waxba kama sokeeyo

0
Wednesday December 27, 2017 - 09:58:46 in Wararka by
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiqi: Ninkii raba weerar sharcidaro inuu dadka ku dilo Shabaab waxba kama sokeeyo

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa si adag wuxuu u weeraray Madaxda dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna sheegay in aanan la iska aqbaleyn in qori caaridiisa dalkaa lagu maamulo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa si adag wuxuu u weeraray Madaxda dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna sheegay in aanan la iska aqbaleyn in qori caaridiisa dalkaa lagu maamulo.

Fiqi, ayaa wuxuu sheegay dalkaan in lagu doortay madaxda doorasho sanduuq ah, balse aanan lagu dooran qori caaradiisa, iyadoo loo baahan yahay hanaanka Maamulka dalka wado wanaagsan in loo maro.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu sheegay qofkii doonaya inuu qaado weerar sharcidaro ah oo lagu beegsado dadka ku nool Magaalada Muqdisho inuusan waxba ka duwaneyn Ururka Al Shabaab, loona baahan yahay inuu iyaga u tago.

"Qori ninkii raba inuu dalkaan ku xukumo Shabaab ha u tago waa Shabaab, ninkii raba qori sharcidaro ah inuu dadka ku dilo. Ninkii raba inuu dadka weeraro Shabaab waxba kama sokeeyo, ee dhaqanka Shabaabka duurka hala tago duurka ayaa looga baahan yahay.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray in kala aragti duwanaansha ay tahay hanaanka dowladnimada ay ku dhisan tahay, balse madaxda Villa Somaliya ayuu sheegay haddii aysan u dulqaadan karin arintaasi muhiim inay tahay inay baneeyaan meesha.

Isaga oo hadalka siiwata Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu sheegay ugu dambeyn Somaliya hadda inay cagta saartay wadadii horumarka dalkana, aanan loo baahneyn in gadaal loo celiyo, isaga oo fariintaasi u diray madaxda dowladda.

Hadalkaan ayuu Axmed Macalin Fiqi ka sheegay Xilli shalay Warbaahinta uu kula hadlaayay Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip