Neymar Oo Sheegay Inuusan Daawan Doonin Kulanka El Clasico Ee Dhaxeeya Kooxdiisa Hore Barcelona & Kooxda Lala Xiriirinayo Ee Real Madrid bySaed Balaleti|Saturday, Dec 23, 2017

0
Saturday December 23, 2017 - 09:26:12 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Sheegay Inuusan Daawan Doonin Kulanka El Clasico Ee Dhaxeeya Kooxdiisa Hore Barcelona & Kooxda Lala Xiriirinayo Ee Real Madrid bySaed Balaleti|Saturday, Dec 23, 2017

    Mid ka mid ah xddigaha ugu waa weyn ee ka maqan kulanka maanta ee El Clasico waa Neymar, laakiin ciyaaryahanka ayaa sheegay inuusan xitaa daawan doonin kulanka ugu weyn kooxaha kubada cagta caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah xddigaha ugu waa weyn ee ka maqan kulanka maanta ee El Clasico waa Neymar, laakiin ciyaaryahanka ayaa sheegay inuusan xitaa daawan doonin kulanka ugu weyn kooxaha kubada cagta caalamka.


 

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah weeraryahanada ay ku duusho Barcelona kulamada ay la ciyaaraan Real Madrid, waana mid uu dhawaan qirtay kabtanka Los Blancos Sergio Ramos.

Si kastaba, waxa uu durbaba bilaabay fasaxiisa uu ka fogaaday Santiago Bernabeu isagoo u sheegay jariirada Marca in kulanka El Clasico uusan wax saameyn ah ku laheyn isaga islamarkaana uusan dooneynin inuu ka hadlo.

"Haatan waxaa kaliya xiiso igu heysa Paris Saint-Germain, mana daawan doono El Clasicoā€¯ ayuu yiri Neymar isagoo sii korayay markabka u qaadayay mid ka mid ah dekadaha magaalada Doha iyadoo PSG ay sannad walba booqasho ku tagto dalka cimilada kulul ee Qatar.

Inkastoo wararka xanta oo dhan ay soo jeedinayaan suurtrogalnimada uu ugu wareegi karo Real Madrid, Neymar ayaan dooneynin inuu waxba ka ogaado, waxaana uu doonayaa inuu diirada saaro barnaamijka PSG.

Marca ayaa sheegtay in Neymar uu ku faraxsan yahay kooxda Faransiiska balse ay soo gaareen warbixinada isbuucyadii ugu danbeysay ee ka hadlayay inuu u wareegayo caasimada Spain isagoo la sheegay inuu ku baxayo qiimo la mid ah kii ay kooxda Faransiiska ku soo iibsatay.

Neymar ayaa beeniyay wararkaas laakiin sidoo kale uma muuqato mid macquul ah madaama horyaalka Ligue 1 ay mamnuuc ka tahay lacagaha lagu burburiyo qandaraasyada.

Neymar asxaabtiisii hore ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaase maanta ay howl adag sugeysaa iyagoo ka horimaanaya kooxda difaacaneysa horyaalka ee Los Blancos oo la filayo inay markii ugu horeysay tan iyo bishii April ay soo safaan weeraryahanada BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip