Jubbaland oo ku Guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada-Dalka Soomaaliya

0
Friday December 22, 2017 - 21:59:46 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo ku Guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada-Dalka Soomaaliya

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali Kheyrre ayaa ugu danbeyntii soo gabagabeeyay Tartanka Kubbadda Cagta Maamul Gobolleedyada Dalka Soomaaliya oo ay ku guuleysteen Cayaartooydii ku cayaareyay Magaca Maamul Gobolleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali Kheyrre ayaa ugu danbeyntii soo gabagabeeyay Tartanka Kubbadda Cagta Maamul Gobolleedyada Dalka Soomaaliya oo ay ku guuleysteen Cayaartooydii ku cayaareyay Magaca Maamul Gobolleedyada Jubbaland.

Kooxda Kubadda Cagta Jubbaland ayaa 1-0 uga adkaatay Xiddigihii ku Cayaarayey Magaca Maamulka Puntland, waxaana muuqata in Jubbaland ka Aargoosatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday Koobka , waxaana Maanta ay soo Bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan Xiisa laheyd.

Jubbaland ayaa Goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartooyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabbaal deg.

Ra’iisl wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Cali Kheyrre ayaa Koobka guddoonsiiyay xulka Kubbadda Cagta Jubbalanad, sidoo kalana waxaa la bixiyay abaalmarinno kala duwan oo la siiyay cayaartooy ka tirsaneyd kooxihi ka qeybgalay tartanka.



 

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


SI TOOS AH U DAAWO CIYAARTA FINNAALKA AHYED OO AY ISAGA HOR YIMAADEEN KOOXAHA JUBBALAND IYO PUNTLNAD

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip