Somali siyaasadeeda iyo Dhaqankeed,haddii la isku dhaafo iyagaa is fahmaya NASASHADA JIMCAHA.Q-75aad.

0
Friday December 22, 2017 - 20:38:22 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali siyaasadeeda iyo Dhaqankeed,haddii la isku dhaafo iyagaa is fahmaya NASASHADA JIMCAHA.Q-75aad.

    Wax akhyaar loogu Maahmaahana ma lehe. 1-Muriidi ayaa markii Gaalkacyo loo bedelay, wuxuu degay xaafadda Baraxley wuxuu Caana rukun ah ka qaadan jiray Dahabo Garoorley, wuxuu ogaaday in caanuhu ayna saafi ahayn. Maalintii dambe ayuu u tegay isaga oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax akhyaar loogu Maahmaahana ma lehe. 1-Muriidi ayaa markii Gaalkacyo loo bedelay, wuxuu degay xaafadda Baraxley wuxuu Caana rukun ah ka qaadan jiray Dahabo Garoorley, wuxuu ogaaday in caanuhu ayna saafi ahayn. Maalintii dambe ayuu u tegay isaga oo laba weel wata:wuxuuna ku yiri: Labadaan weel mid caana iigu shub midka kalena biyo, Annigaa isku darsanaayee. (Website-yada mucaaradka & kuwa muxaafidka ee warka loo soo dhiibo, warkooda waan ka shakinee,runta iyo beenta Laba qoraal ha nooga dhigeen annagaa go'aan ka qaadanaynee, Somaliya mucaarad & Muxaafid, Hore iyo Gadaal Haadka Gaarigaaga iyo Indhahaaga isaga fiiri) Fiiri Sawirka 1& 2aad.


2-Nin masuul ah ayaa wiil dabaal ah oo deris la ahaa ,weydiiyay,weligaa naag ma u tagtay? Dabaalkii ayaa yiri: Weligeey xalay ka hor uma tagin, ee weydii Gabadhaada yar.

Ninkii ayaa ku yiri: Gabarba iima joogto,caruurteeydu waa wada wiilal. Dabaalkii ayaa ku yiri: Sagaal billood kadib ayay kuu dhalanee!!!.

(Dabayaaqada Bisha Janaayo marka ay Dabaala badan ka soo noqdaan fasaxa sannadka cusub,sagaal bilood kadib ( bisha oktobar) Somalia waxaa ku dhasha Caruur badan. Ma runaa? Sidaas ayaan ka maqlay Cali yare oo Hotel XXX ka shaqeeya).

3- Nin Dhallinyaro ah oo reer Xamar ah ayaa Hargeysa tegey markaas bay gabar reer Jabuuti ah is shukaansadeen. Gabadhii ayaa wiilkii ku tiri”Huunno Ciise miyaad tahay? (Qabiilka jabuuti degan ee Soomaalida ah – Ciise Madoobe)

Wiilkii reer Xamarka ahaa ayaa u qaatay in magaciisa la weydiiyey markaas ayuu yiri "Mayoy sidi Shooble aan ahay” aay Bintoow wiilkeedii. Markii Dambe waa is fahmeen, Habeen hore ayay ku aqal galeen xaafadda Ow Aweyska ee Xamar weyne.

( Somali siyaasadeeda iyo Dhaqankeed,haddii la isku dhaafo iyagaa is fahmaya).

4- Agaasime Masiirow ah ayaa wuxuu aroosay haweyney garoob ah,oo wadata wiil yar oo sannad jir ah welina nuugaya naaska hooyadii. Masiiroowgii ayaa islaantii markii ay huruday naasaha ka mariyay Sun dilaa ah,si wiilka yar uu u kharijiyo. wiilkiina ma dhiman,laakin Subaxii waxaa geeriyooday Darawalkiisii.

( Allow kaa magan, adoo kii minankiisa ka raadinayo in aad mag qoorta gashato)

5- Muriidi macloow oo reer xamar ah ayaa iska dhiibay wadanka Swedan, waxaa loogu yeeray wareysi (interview),waxaana turjubaan u haa nin Reer waqooyi ah,oo la yiraa, Warfaa Maygaag.

Waxaa la bilaabay su’aalihii: waxaa la weydiiyay, maxaad ka shaqeyn jirtay? wuxuu ku jawaabay waxaan ahaan jiray, daba ka fuul (kirishboy). Kii reer waqooyiga ayaa ku tarjumay, raguu u tagi jiray (reer qoowmu LUUD/ Laga Roonayaal).

Reer xamarkii waxaa lala dajiyay,kooxdii reer Luud oo lagu yiri: la baashaal asaxaabtaada. Cararkii uu ka soo cararay, hadda Ceel-Gaabtuu joogaa. Dadkana wuxuu ku yiraahdaa, Koo markuu Swedan tagay magacii bedeshay oo la baxay Warf Magaag ayaa i khiyaamay, lacagtii aan ku soo baxayna Darbiyaan ka soo tuugsaday. Fiiri sawirka.3aad.

6-Nin Tigree ah ayaa deganaa dabaqa 20aad guri London ku yaal, isaga oo safar ka soo laabatay ayuu garaacay iridda guriga. Xaaskiisii oo uu la baashaalayay nin Axmaar ah ayaa tiri: waa ninkeygii,qolkuna meel la isku qariya ma leh, waxay ku tiri Axmaarkii: is qaawi oo iska dhig Electronic man (Robot). sidii ayuu yeelay.Ninkeedii ayaa soo galay markii uu weydiiyay, waxay ku tiri: Waa Robot,intii aan nin raadsan lahaa ayaan ninkan Robot-ka ah nin ka dhigtay.

Wuxuu yiri: Ok, anigu mudda ayaan maqnaa, waa kuu kululahay ee soo soco. Waxay tiri: Calankii casaa ayaa ii saaran, sug 7 Cisho. Haddana kushiinka ayaan aadayaa waxaana kuu diyaarinayaa Canjeero Xabashi. Markii ay baxday ayuu is yiri: adna Robot-kan isticmaal, waa is qaawiyay wuxuuna soo aaday Robot-kii xagiisa markii uu sii taabanayay ayaa Axmaarkii oo ku hadlaya codkii Robot-ka ku celcelyay dhawaq isaga oo leh: System error, wrong Hole.

Tigreegii oo caraysan ayaa u dhaqaaqay daaqadii dabaqa 20aad xageeda,isaga oo hoos isula hadlayo ayuu yiri: Robot kan faa’iida ma leh ee waa inaan ka tuuro daaqada.wauxuuna u soo dhaqaaqay,Robot-kii xagiisa.

Robotkii ayaa mar kale ku dhawaaqay kuna celceliyay: software Up Dated, Try again. Fiiri sawirka 4aad.

( Dadka Amxaarada xafiisyada dowladda ku heystow, ee muwaadiniinta u gacan galinayow, dan Soomaaliyeed ka sugi meyno Amxaaree,yeeyna Robot idinku noqon, ama ayna kumbiyuuterda virus idinka galin,waa iga tallo).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip