Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyayay Natiijooyinka Kulamada 17-Aad Ee Premier Leaque Iyo Kooxaha Uu Guulaha U Saadaaliyay.

0
Tuesday December 12, 2017 - 12:59:59 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyayay Natiijooyinka Kulamada 17-Aad Ee Premier Leaque Iyo Kooxaha Uu Guulaha U Saadaaliyay.

    Khabiirka Sky Sports eePaul Merson ayaa markale soo laabtay isaga oo xili ciyaareedka oo dhan si joogto ah u saadaaliyay kulamada horyaalka Premier Leaque wuxuuna kula baxay magaca "Magic Man" ama ninka layaabka leh kadib markii uu si wayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khabiirka Sky Sports eePaul Merson ayaa markale soo laabtay isaga oo xili ciyaareedka oo dhan si joogto ah u saadaaliyay kulamada horyaalka Premier Leaque wuxuuna kula baxay magaca "Magic Man" ama ninka layaabka leh kadib markii uu si wayn ugu soo caan baxay saadaalinta natiijooyinka kulamada horyaalka Ingiriiska. Kadib kulamadii Champions Leaque waxay kooxaha waa wayn ee Premier Leaque isku diyaarinayaan kulamada 17 aad ee PL.

Paul Merson ayaa Chelsea u saadaaliyay in ay dib ugu soo laaban doonto tubta guusha isla markaana ay soo garaaci doonto kooxda heerka labaad ka soo baxday eeHuddersfield. Merson ayaa Blues u saadaaliyay guul 2-0 ah.

Khabiirka Sky Sports eePaul Merson ayaa saadaaliyay in Arsenal ay markeeda dhaafi kari waayi doonto kooxda uu David Moyes isbadalka ku sameeyay ee West Ham United isla markaana ay barbaro 1-1 ah gali doonaan. West Ham ayaa maraysa imtixaan adag iyada oo ay iskugu xigeen Manchester City, Chelsea iyo Arsenal.

 

Paul Merson ayaa sidoo kale guul u saadaaliyay Manchester United wuxuuna aaminsan yahay in Red Devils ay ka soo kabsan doonto waji gabixii ay kala kulantay Manchester City wuxuuna saadaaliyay in Red Devils ay 2-0 ku garaaci doonto Bournemouth.

 

Dhinaca kale Merson ayaa guul u saadaaliyay Liverpool oo guul muhiim u ahayd xili ciyaareedkeeda iska lumisay waqtti danbe oo kulankii Merseyside ahayd wuxuuna aaminsan yahay in Reds ay guul 2-0 ah ka gaadhi doonto West Brom oo Anfield soo booqan doonta.

 

Laakiin Merson ayaa wali sii wada in uu guul wayn ku taageero kooxda duulaysa ee Manchester City wuxuuna saadaaliyay in ay 3-0 ku soo garaaci doonto kooxda Swansea City.

Haddaba halkan kaga bogo Saadaasha Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson uu Ka Bixiyay Kulamada 17 aad Ee Premier Leaque:

 

Kulamada Talaadada:

Burnley 2-0 Stoke City

Crystal Palace 1-2 Watford

Huddersfield 0-2 Chelsea

Kulamada Arbacada:

Newcastle 1-1 Everton

Southampton 2-2 Leicester

Swansea 0-3 Man City

Liverpool 2-0 West Brom

Man Utd 2-0 Bournemouth

West Ham 1-1 Arsenal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip