Rikoorka Arsenal Ee Champions League Miyuu Soo Gabagaboobi Doonaa Caawa?

0
Wednesday December 09, 2015 - 13:02:37 in Sports News by
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rikoorka Arsenal Ee Champions League Miyuu Soo Gabagaboobi Doonaa Caawa?

    Markii ugu horeysay mudd 16 sannadood ah Arsenal ayaa seegi karta wareega 16ka Champions League. Waxaana dib u eegeynaa markii ugu danbeysay ee ay ku haraan wareega group-yada Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horeysay mudd 16 sannadood ah Arsenal ayaa seegi karta wareega 16ka Champions League. Waxaana dib u eegeynaa markii ugu danbeysay ee ay ku haraan wareega group-yada Champions League.

Markii ugu danbeysay ee ay ku haraan wareega group-yada Champions League waxa ay aheyd bishii November 1999. Gunners ayaa seddex dhibcood oo nadiif ah ka sareysay kooxda kaalinta seddexaad markii wareega group-yada uu kala bar marayay laakiin guuldarooyin isku xiga oo ku soo gaaray gurigoodii ku meel gaarka ah ee kulamada Yurub ee Wembely ixsaan uma sameynin.

Rivaldo iyo Luis Figo ayaa ka mid ahaa xiddigihii Barcelona goolasha u dhaliyay kulankii ay 4-2 ku badiyeen taasoo cadaadiska ku kordhisay kooxda Arsene Wenger ka hor kulankoodii Fiorentina. Gabriel Batistuta ayaa dhaliyay goolka kaliya ee soo saaray kooxda Talyaaniga. Guushii ay ka gaareen kooxda reer Sweden ee AIK ma aysan badbaadin karin Arsenal.

Rikoorka Arsenal

Xilli Ciyaareedka Champions League Wareega Ay Ku Hareen
2014/15 wareega16
2013/14 wareega 16
2012/13 wareega 16
2011/12 wareega 16
2010/11 wareega 16
2009/10 wareega 8da
2008/09 Semi-final
2007/08 wareega 8da
2006/07 wareega 16
2005/06 Final
2004/05 wareega 16
2003/04 wareega 8da
2002/03 wareega labaad ee group-yada
2001/02 wareega labaad ee group-yada
2000/01 wareega 8da

Rikoor sidaasi loo joogteeyay waxa ay aheyd inay soo bandhigto calaamad awood weyni ah. Real Madrid ayaa ah kooxda kaliya ee rikoor kan ka fiican heysata waxaana ay taasi ku hogaamisay inay 2014 hantaan koobka Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip