Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Horyaalka Premier League Ka Dib Markii La Ciyaaray Kulamadii 13aad Ee Xilli Ciyaareedka?

0
Monday November 27, 2017 - 08:44:16 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Horyaalka Premier League Ka Dib Markii La Ciyaaray Kulamadii 13aad Ee Xilli Ciyaareedka?

    Waxaa shalay iyo Sabtidii la ciyaaray kulamada 13aad ee horyaalka Premier League iyadoo ay ka soo baxeen natiijooyin xiiso leh, kooxda Manchester City ayaa weli sideed dhibcood ku hogaamineysa horyaalka, Man United ayaa weli kaalinta labaad ku jira h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay iyo Sabtidii la ciyaaray kulamada 13aad ee horyaalka Premier League iyadoo ay ka soo baxeen natiijooyin xiiso leh, kooxda Manchester City ayaa weli sideed dhibcood ku hogaamineysa horyaalka, Man United ayaa weli kaalinta labaad ku jira halka Chelsea ay xajisatay kaalinta seddexaad iyagoo 11 dhibcood ka danbeeya City, Arsenal ayaana soo gashay kaalinta afaraad ee horyaalka ka dib guushii ay shalayto gaareen.




Laakiin marka laga soo tago miiska kala sareynta horyaalka Premier League, waa sidee tartanka gooldhalinta horyaalka, halkeese la kala marayaa?

Xiddiga garabka ka ciyaara Mohamed Salah oo ka mid ah xiddigaha xilli ciyaareedkan ugu cadcad abaalmarinta PFA ayaa weli hogaaminaya isagoo leh 10 gool, waxaana uu goolkiisii 10aad dhaliyay kulankii ay Liverpool barbaraha 1-1 kala kulantay Chelsea taasoo keentay inay u dhacaan kaalinta lixaad.

Mohamed Salah ayaase la kulmaya tartan badan iyadoo ay ku soo xigaan weeraryahanada Harry Kane iyo Sergio Aguero kuwaasoo leh min sagaal gool. Kane ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay Tottenham barbaraha 1-1 kula gashay Wembley kooxda West Ham. Halka Aguero uu rigoore dhaliyay kulankii ay xalayto Manchester City 2-1 uga badisay Huddersfield Town.

Waxaa xiddigaha sideeda gool leh ku soo biiray isbuucaan xiddiga Manchester Raheem Sterling oo xalay dhaliyay goolka guusha, waxaana uu booskaan ugu yimid xiddigaha ku hungoobay inay isbuucaan shabaqa soo taabtaan oo kala ah: Gabriel Jesus, Alvaro Morata iyo Romelu Lukaku.

Kala sareynta gooldhalinta Premier League:

10 gool – Mohamed Salah (Liverpool)

9 gool – Harry Kane (Tottenham), Sergio Aguero (Man City)

8 gool – Raheem Sterling (Man City), Gabriel Jesus (Man City), Alvaro Morata (Chelsea), Romelu Lukaku (Man United)

6 gool – Alexandre Lacazette (Arsenal), Jamie Vardy (Leicester), Leroy Sane (Man City)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip