RASMI: Xulalka Qaramada Waqooyiga Afrika Ee Morocco & Tunisia Oo U Soo Baxay Koobka Aduunka Iyo Shanta Xul Qaran Ee Qaarada Afrika Matali Doona Oo Dhamaystirmay.

0
Sunday November 12, 2017 - 07:13:13 in Wararka by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Xulalka Qaramada Waqooyiga Afrika Ee Morocco & Tunisia Oo U Soo Baxay Koobka Aduunka Iyo Shanta Xul Qaran Ee Qaarada Afrika Matali Doona Oo Dhamaystirmay.

    Xulka qarankaMorocco ayaa muddo 20 sano ah markii ugu horaysay ka soo muuqan doona koobka aduunka kadib markii ay si rasmi ah u xaqiijisteen booskooda Russia 2018. Dhinaca kale xulka qaranka Tunisia ayaa isna si rasmi ah ugu soo baxay koobka qaramada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qarankaMorocco ayaa muddo 20 sano ah markii ugu horaysay ka soo muuqan doona koobka aduunka kadib markii ay si rasmi ah u xaqiijisteen booskooda Russia 2018. Dhinaca kale xulka qaranka Tunisia ayaa isna si rasmi ah ugu soo baxay koobka qaramada aduunka ee Russia ka dhici doona sanadka cusub ee 2018 waana markii ugu horaysay ee ay koobka aduunka ku soo laabtaan iyo sanadkii 2006 kii.



 


Xulka qaranka Morocco ayaa 2-0 ugu awood sheegtay xulka qarankaCôte d’Ivoire ama Ivory Coast hadba sida aad u taaqaan waxayna Morocco ka mid noqotay qaramada Afrika ee koobka aduunka ka ciyaari doona isla markaana ka soo jeeda waqooyiga Afrka.

Dhinaca kale xulka qaranka Tunisia ayaa barbaro gool la’aan ah la galay xulka qaranka Libia oo isagu xili horeba ka quustay koobka aduunka waxayna Tunisia noqdeen dalkii saddexaad ee Carab-Afrikan ah ee koobka aduunka booskooda ka xaqiijistay iyaga oo Masar iyo Morocco kula biiray.

Sidaa daraadeed, shanta xul qaran ee koobka aduunka uga qayb gali doona Afrika ayaa hadda la wada ogyahay laakiin saddex ka mid ahi waxay ka soo jeedaan waqooyiga Afrika waana wadama Carbeed isla markaana qaaramada Afrika ku yaal.

Senegal iyo Nigeria ayaa ah labada xul qaran ee aan waqooyiga Afrka ka soo jeedin ee koobka aduunka u soo baxay iyada oo Senegal ay xalay booskooda xaqiijisteen kadib markii ay guul ka soo gaadheen South Afrika oo ay la ciyaareen kulan dib loo ciyaaray markii musuq maasuq uu garsoore sameeyay meesha laga saaray.

Xulalka qaramada Cemeroon, Ivory Coast, Ghana, South Afrika, Algeria iyo Burkino Faso oo ka mid ahaa wadamadii la filayay in ay boos ka heli karaan koobka aduunka ayaa ku fashilmay.

SHANTA XUL QARAN EE AFRIKA KOOBKA ADUUNKA UGA QAYB GALI DOONA:

1-Masar

2- Nigeria

3- Senegal

4-Morocco

5- Tunisia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip