Laacib Ka Tirsanaa Liverpool Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Coutinho Si Rasmi Ah Ugu Biirayo Barca

0
Saturday October 28, 2017 - 08:57:16 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacib Ka Tirsanaa Liverpool Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Coutinho Si Rasmi Ah Ugu Biirayo Barca

    Ciyaaryahan Coutinho, ayaa wuxuu ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay sheekada kaliya ee ugu xiisaha badan, oo ay hadalhayaa warbaahinta kala duwan ee qaarada, yurub, waxaana ugaarsi ba'an ku haysa Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Coutinho, ayaa wuxuu ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay sheekada kaliya ee ugu xiisaha badan, oo ay hadalhayaa warbaahinta kala duwan ee qaarada, yurub, waxaana ugaarsi ba'an ku haysa Barcelona.


Camaaliqada La Liga, ayaa dooneysa in wiilkaan ay bedal kaga dhigto Neymar, kaasoo 222 Malyuun ugu biiray PSG oo Faransiiska ka dhisan, waxaana ay Barca qorsheysay inay keento Coutinho Cam Nou, xagaagan.

Waxaa arinkaas ka hadlay laacibkii hor ee Liverpool, wiilka lagu magacaabo Jason McAteer, kaasoo aaminsan in Couitnho uu aadi doono Blaugrana xili ciyaareedkan, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu dhacay heshiiskiisa.

Image result for McAteer

"Waxaa filayaa in Coutinho, uu aado Barcelona, dhamaadka xili ciyaareedkan, wuxuuna noqon doonaa xidig Barca, ah, xagaagaan, asigoona ku bixi doona qaabkii ama wadadii uu ku baxay Suarez,” ayuu sii raaciyay McAteer.

Aisgoo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Coutinho, uusan ahayn bedalka Neymar, balse uu yahay kii bedali lahaa Iniesta, islamarkaana hadii uu yimaado Barca, wuxuu kusoo gaba gabeeya wax badan ayuu tiri doonaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip