Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Ee Leaque Cupka?, Kulamada Mancheser Derby Iyo London Derby Oo Isku Aadka Laga Filan Karo.

0
Thursday October 26, 2017 - 07:27:17 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Ee Leaque Cupka?, Kulamada Mancheser Derby Iyo London Derby Oo Isku Aadka Laga Filan Karo.

    Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii afraad ee tartanka koobka Leaque Cup ee xili ciyaareedkan loo bixiyay Carabao Cup waxaana iskugu soo hadhay siddeed kooxood uu u soo gudbay wareega shanaad ee tartankan. Kooxaha Manchester United, Manchester City, A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii afraad ee tartanka koobka Leaque Cup ee xili ciyaareedkan loo bixiyay Carabao Cup waxaana iskugu soo hadhay siddeed kooxood uu u soo gudbay wareega shanaad ee tartankan. Kooxaha Manchester United, Manchester City, Arsenal, West Ham United iyo Chelsea ayaa ah kala badh siddeeda kooxood ee tartankan iskugu soo hadhay.



West Ham United ayaa si lama filaan ah ugu soo baxday wareega siddeed dhamaadka kadib markii ay si layaableh uga soo kabsatay guuldaro 2-0 ah oo ay Tottenham kala kulmaysay laakiin ma rumaysan kartid in qaybtii danbe ee kulankii Wembley Stadium ay ay Hammbers 3-2 guul ku gaadheen si ay qayb uga soo noqdaan wareega xidga ee tartankan.

Iyada oo Chelsea iyo West Ham ay ahaayeen kooxaha la sugayay in ay ciyaaraan kulamadii ugu danbeeyay ee ka hadhsanaa wareegii 16 ka kooxood ee Carabao Cup, waxaa hadda la ogyahay dhamaan siddeeda kooxood ee loo samayn doono isku aadka wareega shanaad ama siddeed dhamaadka ee Carabao Cup.

Haddaba goormaa la samayn doonaa isku aadka wareega shanaad ee Carabao Cupka?

 

Wareega shanaad ee Carabao Cup ayaa ka kooban siddeed kooxood iyada oo lix kooxood ay wareegan u soo gudbeen habeenimadii talaadadii halka Chelsea iyo West Ham ay noqdeen kooxaha arbacadii ciyaaray ee liiskan soo dhamaystiray.

Waxaa isku aadka wareega shanaad ee Carabao Cup la samayn doonaa galabnimada khamiista ee  October 26 marka ay saacada London tahay 4:00 PM iyada oo ku beegan 6:00 PM galabnimo ee saacada Geeska Afrika.

Waxaa isku aadka samayn doona xidigii hore ee Cricket-ka ee Phil Tufnell iyo xidigii hore ee ree England ee soo ciyaari jiray ciyaarta Rugby-da ee Matt Dawson kaas oo kubbadaha yar yar ee isku aadka lagu samayn doono soo saari doona.

Kulamada siddeed dhamaadka ee Leaque Cupka ama Carabao Cupka ayaa la ciyaari doonaa usbuuca ka bilaamaya  December 18 iyada oo ku soo aadi doonta waqtiga ay la ciyaarayo kulamada mashquulka badan ee Premier Leaque. Man United ayaa ah kooxda koobkan difaacanaysa ee xili ciyaareedkii hore Southampton kaga soo guulaystay.

Kooxaha Isku Aadka Wareega Shanaad Ee Carabao Cupka:

1-Manchester United

2-Arsenal

3-Manchester City

4-Bournemouth

5- Bristol City

6- Leicester City

7-Chelsea

8- West Ham United

 

Halkan Kaga Bogo Kulamada Ugu Xiisaha badan Ee Isku Aadka Wareega Shanaad Ee Carabao Cup ka soo bixi kara ee ay suurtogalka tahay in siddeed dhamaadka la ciyaari karo:

Mancheser United vs Manchester City

Manchester United vs Arsenal

Manchester City vs Arsenal

Manchester United vs Chelsea

Manchester United Vs West Ham

Manchester City Vs Chelsea

Manchester City Vs Westa Ham

Arsenal Vs Chelsea

Arsenal Vs West Ham

Chelsea Vs West Ham



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip