Hordhac: Real Madrid Vs Fuenlabrada -Zidane Oo Doonaya In Markii Ugu Horaysay Uu Ku Guulaysto Copa Del Rey Iyo Shaxda Uu Caawa La Soo Shirtagi Karo.

0
Thursday October 26, 2017 - 07:22:09 in Wararka by
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid Vs Fuenlabrada -Zidane Oo Doonaya In Markii Ugu Horaysay Uu Ku Guulaysto Copa Del Rey Iyo Shaxda Uu Caawa La Soo Shirtagi Karo.

    Real Madrid ayaa booqanaysa kooxdaFuenlabrada kulanka lugta hore ee Copa Del Rey wareegiisa 32 ka kooxood. Zinedine Zidane oo aan waligii koobkan ku guulaysan isaga oo ciyaartoy ah ama tababare ah ayaa doonaya in sanadkan uu awooda saaro sidii ay koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa booqanaysa kooxdaFuenlabrada kulanka lugta hore ee Copa Del Rey wareegiisa 32 ka kooxood. Zinedine Zidane oo aan waligii koobkan ku guulaysan isaga oo ciyaartoy ah ama tababare ah ayaa doonaya in sanadkan uu awooda saaro sidii ay kooxdiisu u hanan lahayd koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey.


Los Blancos ayaa doonaysa in ay si fiican ku bilaabto tartankan laakiin Zidane ayaa nasiino siin doona qaar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa maadaama oo ay ku soo fool leeyihiin kulamo muhiim ah oo uu ka mid yahay kulanka Champions Leaque ee ay Tottenham booqan dooonan.

Zidane ayaa fasax siiyay Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos iyaga oo aan qayb ka ahayn kooxda caawa ciyaari doonta laakiin sidoo kale Zidane ayaa nasiino siin kara xidigo ay ka mid yihiin Marcelo, Modric iyo Kroos taas oo noqon karta in uu liiskiisa ka reebo ama uu kursiga kaydka ku nasin karo.

Laakiin waxaa kulankan dhaawacyo ku seegaya xidigaha markii horeba Madrid ka maqnaa eeKeylor Navas, Dani Carvajal, Mateo Kovacic iyo Gareth Bale halka Dani Carvajal oo si fiican uga soo kabsanayo xaalad caafimaad oo dhinaca wadnaha uu ka qabay.

 

Goolhaye Kiko Casilla ayaa goolka sii wadan doona halka Achraf, Valecho, Nacho iyo Theo Hernandez ay noqon karaan afarta difaac ee ee kulanka Copa Del Rey loo soo xulan doono. Llorente, Ceballos iyo Kroos ayay suurtogal tahay in ay khadka dhexe ku soo wada bilaaban doonaan iyada oo Asnesio, Mayoral iyo Benzema ay yihiin saddexda weerarka ku soo wada bilaaban kara.

XOGTA KULANKA

Tartanka: Lugta Hore Ee Wareega 32 Ka Kooxood Ee Copa Del Rey

Kulanka: Fuenlabrada v Real Madrid

Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Fernando Torres

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Real Madrid:Casilla; Achraf, Vallejo, Nacho, Theo; Llorente, Ceballos, Kroos , Asensio, Mayoral, Benzema

Fuenlabrada:Freixanet, Díaz, Armando, García, Candela, Fernández, Fraile, Sanz, Milla, Dioni




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip