Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xeray+Sawirro

0
Wednesday October 25, 2017 - 12:23:13 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xeray+Sawirro

    Waxaa maanta dalka Djibouti lagu soo gebagabeeyay tababarka kubadda Gacanta dajarda koowaad oo 15 Tababare muddo 10 cisho ah u socday, waxaana xafladda xeritaanka oo ka dhacda Caasimadda Djibouti kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta dalka Djibouti lagu soo gebagabeeyay tababarka kubadda Gacanta dajarda koowaad oo 15 Tababare muddo 10 cisho ah u socday, waxaana xafladda xeritaanka oo ka dhacda Caasimadda Djibouti kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo kan Djibouti , Xiriirada kubadda Cagta iyo Miiska Djibouti iyo Xiriirada Kubadda Gacanta iyo Miiska Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliyeed Ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fullinta GOS Mudane Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow waxuuna sheegay in Tababarkan uu ka mid yayhay tababarada ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu talo gashay horumarinta aqoonta macalllimiinta xiriirada kale gedisan ee dalka,waxaana gacan ka geystay International Olympic Committee iyo Olympic Solidarity.

Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka u mahad celiyay Macalimiinta tababarkan Bixinayay Effat Rashat iyo Cali Axmed Maxamud (sayid Ali Kuukaay) , waxuuna tababarayaasha kula dardaaamay in waqtiga qarashka lagu bixiyay in aqoontooda sare loo qaado laga doonayo in ay waxii ay barteen dalka dib ugu celiyaan isla markaana kubadda Gacanta Soomaaliya sare u qaadaan.


Macallinka tababarkan bixinayay uu u dhashay dalka Masar Effat Rashad ayaa dhankiis tilmaamay mudadaa 10-ka cisho ah uu tababarkan socday uu la kulmay macallimiin wanaagsan oo u soo diyaar-garoobay tababarkan kana faa’iideystay taasna ay caddeyn u tahay sida dhammaantood ugu guuleysteen imtixaanka qeybahiisa kale gedisan, waana arin ifarax gelineysa.

” Waxaad hadda haysataan cilimigi u dambeeyay kubadda Gacanta Caalamka , dhankiina ayay markaan soo jirtaa waxaana la idinka doonayaa in ay jiilka idinka dambeeyay uga faa’iideysaan , ” ayuu Yiri Effat Rashad.

Macallin Effat ayaa dhanka kale u mahad celiyay Macallinka tababarkan ku wehliyay Sayid Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay) waxuuna ku tilmaamay inuu laf-dhabar u ahaa qabsoomidda tababarkan, waxuuna macallinmiinta kula dardaarmay in laga doonayo shaqo adag si ay uga soo dhalaaaan cilmigi ay barteen.

Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee Djibuti Mursal Cabdi Nuux iyo Xoghayah Guddiga Olombikada Djibouti Feysal Abdulrham Ragouf ayaa si wada jir ah u sheegay faa’iida isboortiga u leeyahay isdhexgalka Bulshada waxayna Macallmiinta Shahaada qaatay u sheegeen in shaqo ay hadda bilow u tahay lana doonayo in u diyaargaroobaan sidii ay usoo saari lahayeen ciyaartooy Mustaqbal wanaagsan ku yeesha xulka qaranka Soomaaliya isla markaana ku dadaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen shahaadooyinka heerkan kasii sareeya.

Tababarkan oo muddo 10 cisho ah ka socday dalka Djibouti ayaa macallmiinta lagu baray xirfadda iyo hanaanka tababarka kusoo kordhay Ciyaarta kubada Gacanta waxaana ugu dambeyn lagu guddoomnsiiyay shahaadada heerka koowaad ee kubadda Gacanta.

W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

Djibouti

Email: Info@nocsom.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip