Real Madrid Oo Noqoday Kooxda Ciyaartoyda Ugu Badan Uu Soo Saartay Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn Iyo Koox Kale Oo Madrid Ku Garaacday Ciyaartoyda Ay Yurub Oo Dhan U Soo Saartay.

0
Tuesday October 24, 2017 - 09:10:24 in Wararka by
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Noqoday Kooxda Ciyaartoyda Ugu Badan Uu Soo Saartay Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn Iyo Koox Kale Oo Madrid Ku Garaacday Ciyaartoyda Ay Yurub Oo Dhan U Soo Saartay.

    Real Madrid ayaa noqotay kooxda xaronteeda da'yarta ah ka soo saartay ciyaartoyda ugu badan ee ka ciyaarta shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn laakiin Los Blancos ayaan ahayn kooxda ciyaartoyda ugu badan ee xarunta da'yarteeda ka soo baxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa noqotay kooxda xaronteeda da'yarta ah ka soo saartay ciyaartoyda ugu badan ee ka ciyaarta shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn laakiin Los Blancos ayaan ahayn kooxda ciyaartoyda ugu badan ee xarunta da'yarteeda ka soo baxday ay horyaalada Yurub ugu badan yihiin balse waxaa jira koox kale oo rekoodh taas ku haysata.


Kooxda AJax ayaa noqotay kooxda Yurub oo dhan u soo saartay ciyaartoyda ugu badan ee xarunta kooxdeeda ka soo qalin jabiyay waxayna kooxda hee Holland soo saartay 71 ciyaartoy oo haddda ka tirsan horyaalada kala duwan ee dalalka Yurub. 71 ciyaartoy oo ka soo baxay xarunta da’yarta Ajax ayaa hadda ka ciyaara 31 horyaal oo Yurub ka dhisan.

Laakiin marka ay noqoto shaxda horyaal ee Yurub ugu waa wayn waxaa xarunteeda ciyaartoyda ugu badan uga soo saartay Real Madrid. 41 ciyaartoy oo ka soo qalin jabiyay xarunta barbaarinta da’yarta Real Madrid ayaa waqti xaadirkan ka ciyaara shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn.

Waxaa xogtan shaacisay xarunta caalamiga ah ee daraasaadka kubbada cagta eeCIES Football Observatory waxaana xisaabta lagu daray ciyaartoyda koox ka soo tirsnaa intii ay da’doodu u dhexaysay min 15 sano jir ilaa 21 sano jir ee hadda ka ciyaara horyaalada Yurub taas oo koox kasta loo xisaabiyay ciyaartoyda markii ay da’yarta ahaayeen xarumahooda ka soo baxay.

 

Sida warbixintaCIES Football Observatory lagu xaqiijiyay xarunta barbaarinta da’yarta Ajax ayaa ah xarunta ugu fiican ee da’yarta ugu badan soo saartay waxaana ku xigta xarunta kooxdaDinamo Zagreb oo iyaduna soo layliday 67 ciyaartoy oo horyaalada kala duwan ee Yurub ka ciyaara.

 

Haddii la xisaabiyo ciyaartoyda ay Real Madrid soo saartay ee guud ahaan Yurub oo dhan ka ciyaara waxay noqonayaan 58 ciyaartoy halka Barcelona ay soo saartay 50 ciyaartoy oo ka ciyaara horyaalada Yurub oo ka soo baxay xarunteeda caanka ah ee La Masia.

Haddii aan si gaar ah u soo qaadano kooxaha ka dhisan shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ee(England, Germany, Spain, Italy, France), waxaa ciyaartoyda ugu badan xarumaha kooxahooda ka soo saaray ee shantan horyaal waqti xaadirkan ka ciyaaraReal Madrid (41), Athletic Club (29), Manchester United (28), Inter & Real Sociedad (23), Rennes, AC Milan iyo Valencia (22).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip