USBUUC KHAAS AH: Roberto Lewandowski Oo Ay U Kulmeen SHAN Farxadood Oo Uu Ciyaartoy Kastaaba Jeclaan Lahaa In Uu Hal Mar Wada Helo.

0
Tuesday October 10, 2017 - 09:35:35 in Sports News by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    USBUUC KHAAS AH: Roberto Lewandowski Oo Ay U Kulmeen SHAN Farxadood Oo Uu Ciyaartoy Kastaaba Jeclaan Lahaa In Uu Hal Mar Wada Helo.

    Xidiga xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ay usbuucan u ahaa mid khaas ah oo aanu waligii ilaawi doonin kadib markii uu muddo kooban ku helay shan farxadood oo uu qof kastaaba jeclaan lahaa in uu sidiisa oo kale u hay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ay usbuucan u ahaa mid khaas ah oo aanu waligii ilaawi doonin kadib markii uu muddo kooban ku helay shan farxadood oo uu qof kastaaba jeclaan lahaa in uu sidiisa oo kale u haysto. RobertoLewandowski oo ka mid ah ciyaartoyda kubbada cagta ugu fiican isla helay arimo ay qariib tahay in hal qof ay ku kulmaan hal usbuuc.

Ugu horayn RobertLewandowski ayaa xulka qarankiisa Poland u soo saaray koobka aduunka ee Russia 2018 waana waxa ugu wayn ee uu ciyaartoy qarankiisa u qaban karo, waxa uu sababta ugu wayn ka ahaa in Poland uu haddaba ka mid noqday xulalka qaramada koobka aduunka ee Russia 2018 calankooda ka taagtay waana farxada kowaad ee uu helay usbuucan.

Mar labaadLewandowski ayaa soo dhaliyay 16 gool oo kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ahaa wuxuuna noqday xidigii taariikhda qaramada Yurub goolashan soo dhaliyay, wuxuuna isla usbuucan helay farxada in uu rekoodhkan haysto ilaa hadda.

Mar saddexaad RobertLewandowski ayaa ka soo muuqday liiska 30 ka ciyaartoy ee u tartamaya abaal marinta xidiga aduunka u ugu fiican ee Ballon d’Or ee ay France Football shalay soo saartay, waana farxad kale oo uu helay xidiga ree Poland.

Mar afraadkaRobertLewandowski ayaa kulamadii la soo ciyaaray ku noqday xidiga abid goolasha ugu badan u soo dhaliyay xulka qarankiisa Poland isaga oo dhaafay ninka rekoodhan soo haystay eeWlodzimierz Lubanski, wuxuuna hadda Lewy rekoodhkan ku haystaa 50 gool inkasta oo uu markii horeWlodzimierz Lubanski 48 gool uu rekoodhkan ku haystay.

Haddii afartii farxadood ee hore ahaayeen wax uu ku gaadhay kubbada cagta ee uu garoonka dhexdiisa kaga shaqeeyay waxa uu farxada afraad u helay aqoon uu bartay isla markaana uu ka qalin jabiyay kadib markii uu dhamaystay culuunta maamulka iyo tababarka Sportska taas oo uu ku qaadanayayWarsaw School of Education isla markaana la gudoonsiiyay shahaadada uu ku dhamaystay waxbarashadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip