Michy Batshuayi Oo Qalbi Jabiyay Atletico Madrid, Barcelona Oo Guul Cidhiidhi Ah Soo Gaadhay, Juventus Oo Soo Kabsatay Iyo Natiijooyinkii UCL Oo Dhamaystiran.

0
Thursday September 28, 2017 - 08:03:57 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michy Batshuayi Oo Qalbi Jabiyay Atletico Madrid, Barcelona Oo Guul Cidhiidhi Ah Soo Gaadhay, Juventus Oo Soo Kabsatay Iyo Natiijooyinkii UCL Oo Dhamaystiran.

    Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay guuldaro xanuun badan gadhka u galisay Atletico Madrid oo ay marti u ahayd isla markaana gool kaga hormartay waxayna Blues soo gaadhay guul qalbi jab ku noqotay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay guuldaro xanuun badan gadhka u galisay Atletico Madrid oo ay marti u ahayd isla markaana gool kaga hormartay waxayna Blues soo gaadhay guul qalbi jab ku noqotay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid. Antoine Griezmann ayaa Atletico Madrid qaybtii hore ee kulankan u dhaliyay goolka furitaanka oo rekoodhe ahaa kadib markii uu David Luiz riixayLucas oo xerada ganaaxa ku jiray waxayna qaybtii hore ee kulankan Atletico Madrid ku dhamaysatay iyada oo 1-0 hogaanka ku haysay.

Laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta Chelsea ayaa samaysay soo kabsasho cajiib ah waxaana goolka barbaraha u keenay xidiga ree Spain eeÁlvaro Morata kaas oo dib ugu laabashadiisa Madrid ku calaamadiyay goolka uu kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay waxaana caawinta goolkan sameeyay Eden Hazard.

Iyada oo ay ciyaartu dhamaad tahay isla markaana uu garsooruhu afka ku hayo in uu dhamaystiro ayuuMichy Batshuayi indhaha ku xaday goolka labaad ee Chelsea ay guushan dahabiga ah ku soo gaadhay kadib markii uu caawin ka helay isla xidiga ree Spain ee Marcos Alonso wuxuuna xidiga ree Belgium eeMichy Batshuayi uu noqday geesia Antonio Conte ee xaalada adag ka soo saaray.

Guushan ayaa Chelsea ka caawisay in ay soo heshay saddex dhicbood oo ayna filayn markii ay dhaamadka ahaayeen afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray waxayna Blues guushan ku soo gaadhay 2-1 iyada oo Atletico Madrid la kulantay guuldaro ay adag tahay in la liqi karo waana kulankii ugu horeeyay ee ay Champions Leaque ku ciyaartay garoonkeeda cusub iyo qalbi jab ay la kowsatay.

 

Dhinaca kale Barcelona ayaa guul cidhiidhi ah oo ay ku rafaaday ka soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo iska caabin cajiib ah kala hortimid kooxda Valverde. Barcelona ayaa inta badan kulankan ahayd kooxda kubbada haysashada iyo boosishanka lahayd balse waxay awoodi wayday in ay dhibaato u gaysan karto Sporting Lisbon.

Qaybtii hore ee kulankan waxaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah inkasta oo ay Barcelona abuurtay fursado goolal lagu dhalin karayay laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta markii lagu soo laabtay difaaca Sporting Lisbon eeCoates ayaa sabab u noqday in ay kooxdiisu guuldaraysto kadib markii uu iska dhaliyay goolka kaliya ee ay Barcelona guushan ku soo gaadhay.

Sporting ayaa dhamaadkii kulankan abuurtay fursado badan iyada oo Ter Stegen uu fursad layaableh beeniyay laakiin sidoo kale Barcelona ayaa ciyaarta hurdada u diri kartay inkasta oo Lionel Messi iyo Paulinho laga beeniyay fursado ay goolal ku heli kareen. Laakiin Barcelona ayaa soo heshay saddexdii dhibcood ee ay u baxday waxayna lix dhibcood ka heshay laba kulan oo ay soo ciyaartay.

Isla Goupya Barcelona iyo Sporting waxaa guul wayn gaadhay Juventus oo ka soo kabsatay guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay waxayna 2-0 ku garaacday kooxda Olympiacos iyada oo Gonzalo Higian iyoMandžukić labada gool kala dhaliyeen qaybtii danbe ee kulankan.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan natiijooyinkii siddeedii kulan ee caawa Yurub laga ciyaaray iyo kooxaha soo guulaystay:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip