Faallo: Musharaxee ugu mudan inuu madaxweyne ka noqdo dawlad goboleedka Hirshabeele

0
Friday September 15, 2017 - 16:14:59 in Maqaallo by
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Musharaxee ugu mudan inuu madaxweyne ka noqdo dawlad goboleedka Hirshabeele

    Suuqa kala iibsiga codadka Xildhibaanada ayaa saacadba saacadda ka dambeysa kor u sii kacaya, bixinta lacagaha loo adeegsanayo doorashada ayaa maraysa halkii ugu sareysay, xilalka la balanqaadayo ayaa iska soo daba dhacayo, xilligii Foosha Madaxweyna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga codadka Xildhibaanada ayaa saacadba saacadda ka dambeysa kor u sii kacaya, bixinta lacagaha loo adeegsanayo doorashada ayaa maraysa halkii ugu sareysay, xilalka la balanqaadayo ayaa iska soo daba dhacayo, xilligii Foosha Madaxweynaha cusub ayaa maalin walba soo dhawaanayso, wadnaha ayaa farta lagu wada hayaa, musharax kasta wuxuu Labba (2) jibaaray ololaha uu ku doonayo xilka Madaxweynaha loo wada oradayo.

Nacamleeyaasha ugu dhow musharaxiinta is-herdinaya ayaa ku xiiqsan sidii uu musharaxooda u guulaysan lahaa oo kaliya, Guri-ka-Guri, Hotel-ka-Hotel iyo Xarun walba oo lagu tuhmayo iney cod bixiyaashu ku sugan yihiin ayaa si u ek waali oo kale loo gar-garaacayaa si loola kala wareego akhyaarta cododka iska leh ka hor inta aanu xermin suuqa kala gadashada coddadka ee ku eg inta aan la gaarin maalinta kala baxa ee coddeyntu dhaceyso.

Dhafar siyaasadeed iyo daal aan yareyn ayaa musharax kasta iyo hawl-wadeenadiisa ka muuqda, wallina legdenka dhacaya fari kama qodna, dagaaalka siyaasadeed ee ka socda Magaalada Jowhar ee Dawlad Goboleedka HIRSHABEELLE waa sii Labba (2) lixaadsan doonaa illaa laga gaaro waqtiga ugu dambeeya ee dirirta lagu kala adkaado.

Ma-yara xil doonayaasha hadafkoodu uu yahay MAR UUN MADAXWEYNE I-DHAHA, kuwaasi oo isla jeclaaday iney ku fariistaan kursiga Madaxweynanimada HIRSHABEELLE, illaa iyo (8) musharax ayaa walli is-maqiiqaya, kuwaasi oo shallay iyo maanta khudbado ku adaan wax-qabadkooda ka horjeediyay Baarlamaanka HIRSHABEELLE, mid walba oo ka mid ah Madxweyne sugayashaasi wuxuu isu haystaa inuu isagu yahay midka ugu mudan in loo doorto Hogaaminta Labadda Gobol ee la Fedaraaleeyay.

Musharax walba wuxuu astaan ka dhigtay halku dhigyo aad u macaan badan sida inuu yahay Nabad doone, Dal jecle, Diin daneeye, Dad horumariye, Caddaalad sameeye, Daacda u adeege, Dastuur illaaliye, xaq-soore, Waxbarasho abuure, Caafimaad kor-yeele, Ciidan dhise iyo inuu u hawl galayo wanaag walba oo HIRSHABEELLLE ay ku Caana maali karto.

Doorashadaan ka dhacaysa Magaalada Jowhar ayaa u muuqato inay ka xiiso, xamaasad iyo dha-dhan yar tahay doorashaddii horey uga dhacdey Magaaladaasi, Haddii qiimeyn dhab ah lagu sameeyo loolanka u dhaxeeya musharaxiinta uu Hunguriga kaga jiryo qabashada xilka Madaxweynaha HIRSHABEELLE ayaa ruux walba waxaa u soo baxaya in tar-tanka ugu culus ee halkaasi ka dhacaya inuu dhex mari doono shaqsiyaadka ay kala wataan madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo wata Boorsooyinka Lacagaha ee qorshahoodu uu yahay inay iibsadaan coddadka Baarlamaanka HIRSHABEELLE.

Cidna ma sii odorosi karta siyaasiga noqon doona Madaxweynaha xiga Madaxweyihii ay xilka ka qaadeen Baarlamanaka Dawlad Goboleedkaasi, 16-ka Bisha September oo ku beegan maalinta sabtida ee soo socoto ayaa lagu kala bixi doonaa doorashadaasi.

Musharaxiinta uu loolanku ka dhaxeeyo ee kala ah Cabdi Faarax laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdikariin Cali Nuur, Daahir Cabdulle Cawaale, C/maan Xasan Caddow, Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed}, Maxamed Caruush Diirow iyo C/naasir Maxamed Shirwac ayaa ninkii ay libintu raacdo wuxuu noqon doonaa Madaxweyinihii Labbaad ee uu yeesho Maamulkaasi.

Qormadii:- Shiikhaalow Xassan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip