Kubadsameeyaha Jarmalka Mesut Ozil ayaa in ka yar 11 bilood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Emirates Stadium, waxaana uu ilaa iyo haatan diiday inuu aqbalo heshiiska qandaraaska kordhinta ee Arsenal.
Isagoo ka hadlayay mustaqbalka Ozil bishii la soo dhaafay, tababare Arsene Wenger ayaa si maldahan u sheegay inay dhici karto inuu dhameysto qandaraaskiisa kooxda oo uu si xor ah ku baxo xagaaga danbe.
Wenger wuxuu sheegay inaysan dhibaato ku aheyn kooxda in Ozil iyo Sanchez ay qandaraaskooda uga harsan tahay kaliya hal sanno ah, isagoo ku dooday inay ku qasban yihiin inay si fiican u ciyaaraan, madaama ay doonayaan inay is tusaan kooxo kale.
"Ma ahan dhibaato taagan” ayuu yiri Wenger. "Waxaan qabaa inay tahay xaalada ugu fiican. Sabab? Sababtoo ah qof walba ayaa ku qasban inuu si fiican u ciyaaro.
"Marka aad tahay ciyaaryahan, waxaad u ciyaareysa sida ugu fiican ilaa iyo maalinta ugu danbeysa qandaraaskaaga. Haddii ay labo ama hal sanno ku hartay wax isbedel ah ma keeneyso. Waxaad dooneysaa inaad ciyaarto oo shaqo fiican qabato.”
Danka kale Turan ayaa weli ka tagi kara Camp Nou xagaagan iyadoo koxoda heysata horyaalka Faransiiska ee AS Monaco la fahamsan yahay inay xiiseyneyso.
Arsenal Oo Mar Ku Fekertay Inay Mesut Ozil Siiso Barcelona Si Ay Bedelkiisa U Helaan Arda Turan & Lacag Kaash Ah
Arsenal ayaa lagu waramayaa inay si dhab ah uga fiirsatay inay Mesut Ozil ka iibiso Barcelona oo bedelkiisa ay hesho lacag kaash ah iyo Arda Turan.