Mourinho Oo War Farxad Leh Ku Helay Xaruta Tababarka Kooxdiisa Iyada Oo Marcos Rojo,Luke Shaw Iyo Ashley Young Ay Maanta Tababarka Ku Soo Laabteen.

0
Tuesday August 22, 2017 - 21:41:49 in Sports News by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo War Farxad Leh Ku Helay Xaruta Tababarka Kooxdiisa Iyada Oo Marcos Rojo,Luke Shaw Iyo Ashley Young Ay Maanta Tababarka Ku Soo Laabteen.

    Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho iyo jamaahiirta kooxdiisa ayaa war ay ku farxaan helay kadib markii ay maanta xarunta tababarka Carrington ay dib ugu soo laabteen saddexda xidig ee kala ah Luka Shaw, Marcos Rojo iyo Ashley Young

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho iyo jamaahiirta kooxdiisa ayaa war ay ku farxaan helay kadib markii ay maanta xarunta tababarka Carrington ay dib ugu soo laabteen saddexda xidig ee kala ah Luka Shaw, Marcos Rojo iyo Ashley Young oo dhamaantood dhaawacyo waqti dheer ah kaga maqnaa kooxdooda Red Devils.
Jose Mourinho oo ay kooxdiisa Manchester United ay qaab ciyaareed fiican ku bilaabtay horyaalka Premier leaque ayaa dib u helaya saddexdan xidig oo doorashooyin fiican u sii kordhin kara. Iyada oo ay soo socdaan kulamada heerka caalami ayay saddexdan xidig u tahay mid muhiim ah in ay hadda soo laabteen si ay taam ahaanshooda buuxa uga shaqeeyaan waqtiga loo firaaqayn doono kulamada qaramada aduunka.

Marcos Rojo ayuu dhaawac halis ahi soo gaadhay dhamaaadkii xili ciyaareedkii hore waqti uu si buuxda muhiim uga ahaa shaxda Jose Mourinho wuxuuna xidiga ree Argentina dadaal dheer kadib uu ka soo kabsanayaa dhaawac jilibka ka soo gaadhay si la mid ah Shaw iyo Ashley Young oo ay xili ciyaareedkii hore ugu danbaysay kubbad ay taabtaan.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa maanta si diiran xaruntooda tababarka ugu soo dhaweeyay  Luka Shaw, Marcos Rojo iyo Ashley Young iyaga oo qayb ka ahaa tababarkii maanta ee uu Mourinho kooxdiisa siinayay. Inkasta oo ayna si deg deg ah ugu soo laaban doonin shaxda Mourinho waxay hadda qaadeen talaabadii ugu horaysay ee ay kooxda kowaad kaga mid noqdeen si ay tababarka ula sameeyaan.

Manchester United ayaa min 4-0 ku soo xasuuqday kooxaha West Ham United iyo Swansea City labadii kulan ee horyaalka Premier Leaque ugu horeeyay iyada oo waliba awooday in aan wali hal gool laga dhalin taas oo ka caawisay in ay kaalinta kowaad ku jiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip