Man United Oo Wali Fursad U Heysata Iney Lasoo Saxiixato Ivan Perisic & Xaaladahii Ugu Dambeeyay Labada Dhinac.

0
Wednesday August 16, 2017 - 13:19:15 in Sports News by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Wali Fursad U Heysata Iney Lasoo Saxiixato Ivan Perisic & Xaaladahii Ugu Dambeeyay Labada Dhinac.

    Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in Man United ay wali heysato fursad ay kula soo saxiixato garabka xulka qaranka Croatia Ivan Perisic, balse waa iney la kulmaan lacagaha ay dalbaneyso kooxdiisa Inter Milan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in Man United ay wali heysato fursad ay kula soo saxiixato garabka xulka qaranka Croatia Ivan Perisic, balse waa iney la kulmaan lacagaha ay dalbaneyso kooxdiisa Inter Milan.

Manchester United ayaa si weyn loola xiriirinayay mudooyinkii ugu dambeeyay 28-jirka Inter Milan Ivan Perisic kaas oo si fiican ugu qanacsan inuu ka hoos ciyaaro tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho.

Labadaan shaqsi ayaa bishii March ee sanadkaan ku kulmay magaalada Zagreb ee dalka Croatia xilli xidigaan uu gudanayay waajibaadka qarankiisa – waxaana la fahansan yahay iney si weyn uga wada hadleen sidii uu ku imaan lahaa xidigaan garoonka Old Trafford.

Si kastaba Calciomercato ayaa tilmaameysa in Red Devils ay wali heysato fursad ay kula soo saxiixato Ivan Perisic waase hadii ay hormariyaan dalabkooda.

Inter waxaa maankeeda ku jira iney United ku qasabto ka qeyb galinta heshiiska Ivan Perisic xidiga reer France Anthony Martial, balse Jose Mourinho ayaa qiray ineysan jirin sabab ay 21-jirkii hore Monaco uga diraan kooxda.

Red Devils kaliya hal waddo ayaa u furan oo ah iney bixiso lacagaha ay dalbaneyso kooxda uu maamulo Luciano Spalletti waana 55 Malyan oo Euro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip