Akhriso:-Taariikhda Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Gabriel Mugabe

0
Monday August 07, 2017 - 20:47:58 in Maqaallo by
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Taariikhda Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Gabriel Mugabe

    Robert Gabriel Mugabe waa Madaxweynaha Wadanka Zimbabwe hadii aynu taariikh nolaleedkiisa ku bilaabno waxa uu dhashay 21 Bisha Febraayo 1924, waxa uuna madaxweyne wadankaasi u yahay lagasoo bilaabo 1987 ilaamaa haatan, waxaase xasuus mudan in Mugabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Robert Gabriel Mugabe waa Madaxweynaha Wadanka Zimbabwe hadii aynu taariikh nolaleedkiisa ku bilaabno waxa uu dhashay 21 Bisha Febraayo 1924, waxa uuna madaxweyne wadankaasi u yahay lagasoo bilaabo 1987 ilaamaa haatan, waxaase xasuus mudan in Mugabe uu horaan usoo ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeed la magac baxay Zimbabwe African National Union- Patriotic Front oo loo soo gaabiyo (ZANU-PF) intii u dhaxeesay 1975 ilaa 1980, iyadoo wixii markaas ka dambeeyey uu sameynayey hormar dhanka siyaasada ah, waxaana uu noqday Raisulwasaaraha dalkaasi sanadkii 1980 ilaamaa 1987, xiligaasi wixii ka dameeyeyna waxa uu noqday Madaxweynaha Zimbabwe oo uu ilaa hada yahay.

Madaxweyne Mugabe waxa uu ku dhashay Magaalada Katuma ee Koonfurta Rhodesia, waxa uu ka dhashay Qoys Sabool (Faqiir) ah, waxa uuna waxabarashada heerarkeeda kala duwan badi kusoo qaatay halkaa isagoo ugu dambeyn kasoo baxay Jaamacada Fort Hare oo ku taallo isla Magaalada uu ku dhashay Mugabe, markii uu Jaamacada Kasoo baxayna uu noqday Macalin iskuul isagoo kasoo shaqeeyey iskuula kala duwan oo ku yaaley Waqooyiga iyo Koonfurta Rhodesia,ilaamaa uu u gudbay wadanka Ghana oo uu macalin ka noqday iskuulka ugu magaca weynaa xiligaas ee halkaa ku yaalay.

Mugabe waxa uu ka qeyb qaatay wax badan mudaharaadyo lagu doonayey in Rhodesia oo hada loo yaqaan Zimbabwe’da casriga ah ay ka xuroowdo Gumeestihii Biritishka ahaa ee gumeesaneyey, si markii loo eego Mugabe waxaa lagu xasuustaa dadaalo iyo juhdi farabadan oo uu ku bixiyey in Zimbabwe ay noqoto wadan xur ah taa oo ugu dambeyntii u suurta gashay inkastoo xili xabsiyeed iyo rafaad badan uu usoo maray.
Kadib markii Gumeestihii Ingiriiska ee Gumeesanaayey Wadankaasi uu ka war helay in Mugabe uusan dab yar shideen oo uu yahay caqabad ku hor gudban loona baahanyahay in ay iska hor wareejiyaan, ayey xireen, isagoo u xirnaa intii u dhaxeesay 1964 ilaamaa 1974 markii uu xuriyadiisa dib u heleyna waxa uu garwaaqsaday in uu u hayaamo Mozambique oo diris la ah, waxa uuna halkaa durbadiiba ka bilaabay kacdoon uu kiaga soo horjeedey dhaq dhaqaaqa Gumeestihii Ingiriiska ahaa ee Gumeesanaayey, iyadoo ay xasuusin mudantahay in halkaa uu kaga dhawaaqay Xisbiga ZANU-PF ee ilaamaa haatan haya talada dalkaasi.
Mugabe waxa uu kacaa kufo ugu dambeyntii wuu u hirgalay in Talada Dalkaasi ay gacanta ku dhigaan Dadka Reer Zimbabwe oo in badan Gumeesanaayey Ingiriiska, Xiligaas Mugabe waxa uu u muuqday in uu yahay halyeey ay ka go’antahay hormarinta dalkiisa waxaase waayihii dambe soo baxaayey warar ku saabsan in Mucaarad badan uu yeelanayo kadib in mudo ah oo uu fadhiyey Xafiiska looga arrimiyo dalkaasi, iyadoo dadka qaar ay u arkaan kaligiis taliye aan ogoleen in uu talada dalkaasi iska wareejiyo ilaamaa uu ka dhinto, inkastoo munaasabadii sanadkii hore uu ugu dabaal dagaayey dhalashadiisa uu ka sheegay in xitaa haduu dhinto uu Khabriga kasoo xumi doono dalka Zimbabwe.
Caruurnimadiisa
Robert Gabriel Mugabe Markii taariikh nolaleedkiisa laga hadlaayo waxaa badi kusoo lifaaqmayo Magaca Magaalada Katuma waayoo waa meesha uu kusoo koray, Aabihiis waxaa la oran jiray Gabriel waxa uuna ahaa Rinjiile (Dadka ku shaqeesto rinjiyeenta Guryaha) hooyadiisna waxaa lagu magacaabi jiray Bona waxa ayna Caruurta Magaaladaasi Degan bari jirtay Diinta Masiixiga, Gabriel iyo Bona waa hooyada iyo aabaha dhalay Madaxweyne Mugabe waxaa u curtay oo ay dhaleen 7 caruur ah oo uu ku jiro Mugabe, waxaana lagu kala magacaabaa Michael, Raphael, Robert, Donald,Sabina, Bridgette iyo Mugabe.
Madaxweyne Mugabe waxa uu Heyb ahaan kasoo jeedaa Heybta Zezuru oo qabiil ahaan ka tirsan qabiilka Shone,waxa uuna ahaa qof u baxsan arrimaha waxbarashada oo ahmiyad sidaas u weyn ma uusan siin jirin la ciyarista Caruurta marka laga reebo mar mar dhif iyo naadir ah oo uu caruurta Kubad (Banooni) la ciyaari jiray, iyadoo caruurta kale e asaagiis aheyd ay ula baxeen naaneesta Fulay iyo wiilka hooyada oo ay ula dan leeyihiin wuu cabsadaa oo banaanka umasoo baxo.
Isla Caruurnimadiisa Mugabe waxa uu usoo joogay dhimashada walaalihiisa waa Raphael iyo Michael, oo dhintay labbo mar oo isku dhaw, Raphael waxa uu u dhintay shuban la sheegay in uu mar qura kusoo booday halka Michael uu ku sumoobay Ganleey la sheegay in in uu cunay oo an la ogeen sababta iyo cida sumeesay Ganleeydaas uu ku geeriyooday Michael walaalkii weynaa ee Madaxweyne Mugabe.
Gabriel Aabaha dhalay Madaxweyne Mugabe wixii intaas ka dambeeyey waxa uu aaday Bulawaayo magaalo lagu magacaabo si uu reerkiisa u masruufo oo uu hlkaa ugu soo shaqeeyo, waxa uusa ilooway reerkii uu usoo qaraab doonay kadib markii uu bartay Haweeney halkaa degeneed oo ay wada yeesheen xiriir ku dambeeyey Guur iyadoo haweeneydaas ay u dhashay 3 Caruur ah.
Mugabe markii uu dhameeey Dugsiga dhexe waxa uu nasiib u yeeshtay in uu ka qeyb gallo Koorso macalinimo lagu baranayey oo lix bilood aheyd markii uu sidaas u sii dhameenayeyna waxaa uu macalin ka noqday isla iskuulka uu dhameeyey iyadoo uu bishii mushaar ahaan iskuulkaas kaga qaadanaayey £2 Bishiiba oo uu ku saacidaayey qoyskiisa oo uu asiga garab u ahaa kadib markii aabihiis meesha uu ka baxay oo uu dhistay reer cusub.
Ugu Dambeyntiina Mugabe waxa uu iskaga tagay Magaalada Katuma sanadkii 1945 isagoo ujeedkiisa ahaa in uu qoyskiisa u hello dhaqaale kaafin kara waxbarashadiisana uu sii hormariyo.
Waxbarashadiisa
Marka laga hadlaayo heerarka kala duwan ee waxbarashada Madaxweyne Mugabe waxa uu xaadiray iskuulo kala duwan oo ku yaallo badi Koonfurta Zimbabwe, waxaana si gaar ah loogu xasusataa iskuulka Dadaya Mission school oo ku yaaley Magaalada Shabaani,waxa uuna ka qalin jabiyey Sanadkii 1949, isla sanadkaas Markii uu Dugsiga sare sidaas kaga baxay waxa uu helay waxbarasho heer jaamacadeed ah oo Bilaash ah oo ay ugu deeqday Jaamacada uu kasoo baxay ee Forte Harare oo ku taallo Bariga Magaalada Cape Town ee Wadanka Koonfur Africa.
Intii uu Mugabe wax ka baranaayey jaamacada Forte Harare ee dalka Koonfur Africa waxaa u suurta gashay in uu ku biro Xisbiga ugu weyn Koonfur Africa ee ANC oo mararka qaar laga tallo gelin jiray marka ay timaado arrimo xasaasi ah maadama uu in muddo ah joogay Halkaa, iyadoo xasuusin ay mudantahay in uu Madaxweyne Robero Mugabe uu halkaa kula kulmay dad yahuud ah balse South Africa ku noolaa isagoo kasoo bartay Fikrada hanti wadaaga.
Mugabe ayaa Jaamacada Forte Harare ka qalin jabiyey sanadkii 1952 isagoo ka qaatay shaahaadada loo yaqaan Bechelor Degree oo aheyd Culuumta Taariikhda iyo Suugaanta Luqada Ingiriiska, taasi oo u sahashay Madaxweyne Roberto Mugabe in uu ilaamaa maantadaan la joogo uu baraha Bulshada uu kusoo baahiyo Oraah Xigmadeesan oo ku qoran Luqada Ingiriiska, Intii uu jaamacadaasi dhiganaayey lagu yaqaaney in uu yahay arday eedaab leh oo ay ka go’antahay in uu waxbarto, iyadoo uu kamid noqday ardayda loogu jeclaa xiligaasi ardayda jaamacaadaasi dhigan jirtay, ilaa iyo haatana Jaamacadaasi ayaa Mugabe ku faanto maadama uu kamid yahay dadkii ugu magaca weyn ee ebid jaamacadaasi ka baxday.
Waxa uu dalkiisa hooyo dib ugu laabtay Mugabe isla sanadkii uu Jaamacada kasoo baxay ee 1952 waxa uuna markiisii ugu horeesay ka shaqeeyey iskuulkii uu kasoo baxay Dadaya Mission school, halkaasi oo uu Macalin ka ahaa ku dhawaad hal sano isagoo sanadkii 1953 durbadiiba ka shaqo bilaaway iskuu caadiyan hoostagi jiray Maxmiyadii Ingiriiska oo dalkaasi gumeestay Gwelo Iskuul, marka la eego Madaxweyne Mugaabe xili waxbarashadiisa oo idil wax lag ah kumuusan laheyn arrimaha siyaasada dalkiisa oo shaqadiisa macalino iyo waxbarashadiisa sida uu usii siyaadin lahaa ayuu ahmiya siiin jiray, mana la is dhihi jirin Mugabe ayaa noqon doono siyaasi waayoo xitaa kama uusan hadli jirin arrimaha siyaasada inkastoo uu uurka ka necbaa siyaasadaha qalafsanaa ee uu Gumeestihii Ingiriisku ku maamuli jiray dalkiisa.
Waxaana la sheegaa in siyaasad ahaan uu taageeri jiray Madaxweynii Dalka Ghana Kwame Nkrumah oo isagu dalkiisa usoo halgamay kana saaray Gumeestihii xakumi jiray, saas ay tahay hadane siada la sheegay marna kumuusan haminin in uu noqdo Mugabe Madaxweynaha Dalkaasi oo uu ka adkaado Gumeestihii dalkiisa Gumeesan jiray.
Kusoo Biiritankiisa Saaxada Siyaasada
Mugabe ayaa markii ugu horeesay ka qeyb qaatay banaanbaxyo looga soo horjeedo Gumeestihii cadaanka ahaa ee dalkaasi Gumeesan jiray iyadoo banaanbaxyadaasi uu horkacaayey ninka lagu magacaabi jiray Joshua Nkomo sanadkii 1957 iyadoo markii waxaas ka dambeeyey laga dareemayey in uu daneenayo in uu ku biiro kacdoonadii lagaga soo hor jeeday Gumeestihii Ingiriiska ee sanado Gumeesanaayey dalkiisa Hooyo.
Kadib muddo saddex sano ah oo la waday kacdoono ka dhan ah Maxmiyadii Ingiriiska ugu dambeyntii bilaawgii sanadkii 1960 waxaa lagu guuleystay oo la isku waafaqay in la aas aaso xisbi ujeedadiisu tahay la dagaalanka iyo ka hortaga siyaasadaha qalafsan ee Gumeestaha Ingiriiska ku hagi jiray Dalkaas, waxaana Xisbigaasi loo bixiyey National Democratic Party oo loosoo gaabiyo (NDP).
Banaanbaxyada lagaga soo horjeedey Gumeestihii Ingiriiska oo markii hore ku bilaabday ku dhawaad 7,000 kun oo ruux ayaa durbadiiba waxa ay isku badaleen oo ay gaareen 40,000 oo ruux, iyadoo banaanbaxayaashaasi uu kamid ahaa Madaxweyne Mugabe oo kalin fir fircoon ka qaadanaayey qaban qaabada banaanbaxyadaasi, ilaamaa uu markii dambe noqday khudbad jeediye ka hadla iskusoo baxyadaasi dadka bananbaxayaashana ku booriya oo ku dhiira geliya in ay dalkooda xuriyadiisa aynan waxba siisan oo ay naftooda u huraan sidii xuriyad ay ugu noolaan lahaayeen.
Markii la arkay Fir fircoonida Mugabe waxaa Durbadiiba loo magacaabay xoghayaha guud ee Xisbiga NDP oo xiligaasi waday kacdoona ka dhan ahaa Maamulkii Gumeestihii Ingiriiska, xilkaas loo magacaabay Mugaabe ayaana Noqday Jagadii ugu horeesay ee dhanka siyaasada ah oo uu Mugabe qabtay, wixii markaas ka dambeeyey Madaxweyne Mugaabe waxa uu ku sii siqaayey Saaxada Siyaasada dalkaasi.
Gumeestihii Ingiriiska Madaxdii ugu sareesay waxa ay Kulan ku yeesheen Aqalka Lancaster House ee ku yaalo Magaalada London oo xiligaasi looga arrinsan jiray arrimaha maxmiyada Ingiriiska Africa Gumeesanaayey,
Mugabe oo weli wado Kacdoonada ka dhanka ahaa Gumeestihii Ingiriiska ayaa Guursaday Haweeney asal ahaan Ghana u dhalatay oo ay iskusoo bartey dalkaasi Ghana Xili uu waxbarasho u joogay, waxaana lagu magacaabi jiray Hayfron waxayna u curatay wiilka curudka u ah Mugabe iyagoo u bixiyey magaca Nhamodzenyika, oo ah Eray lahjada Shone ee dalkaasi looga hadlo ah oo micnahiisu tahay Dalkii Cawanaayey oo cataaweyey.
intii u dhaxeesay 1975 ilaa 1980, iyadoo wixii markaas ka dambeeyey uu sameynayey hormar dhanka siyaasada ah, waxaana uu noqday Raisulwasaaraha dalkaasi sanadkii 1980 ilaamaa 1987, xiligaasi wixii ka dameeyeyna waxa uu noqday Madaxweynaha Zimbabwe oo uu ilaa hada yahay.

Waxaa turjumay Ayuub Maxamed Axmed(Fantastic)

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip