Kooxda PSG oo lacagtii ugu badneyd ee ciyaariyaha lagu iibsado Adduunka ku gadaneysa xiddiga Neymar

0
Thursday August 03, 2017 - 11:07:33 in Sports News by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda PSG oo lacagtii ugu badneyd ee ciyaariyaha lagu iibsado Adduunka ku gadaneysa xiddiga Neymar

    Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Qaranka dalka Brazil Neymar Junior ayaa dhammaadka todobaadkan loo soo bandhiga karaa qiimaha ugu qaalisan adduunka ee ciyaariyahan lagu qaato, kaas oo noqonaya $263 million.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Qaranka dalka Brazil Neymar Junior ayaa dhammaadka todobaadkan loo soo bandhiga karaa qiimaha ugu qaalisan adduunka ee ciyaariyahan lagu qaato, kaas oo noqonaya $263 million.
Laacibkan ayaa ku biiraya kooxda Paris-Saint-Germain ee dalka Faransiiska, waxaana dhawaan uu macsalaameeyay xiddigaha ay kawa tirsanyihiin naadiga Barcelona.

Neymar, ayaa diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday magaalladda Barcelona, waxaana uu hadda joogaa magaalladda Port, halkaas oo uu ku suganyahay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Antero Henrique.

Qiimaha lagu qaatay Neymar, ayaa laba jibaar ka badan lacagtii kooxda Machester United sanadkii hore ay ku qaadatay laacibka Poul Pogba kaas oo dhan $111 million.

"Neymar JR, oo uu la socdo Aabihiis iyo wakiilkiisa, ayaa todobaadkan lasoo xiriiray kooxa Barcelona waxaana ay nagala hadleen katagida kooxda”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay kooxda Barcelona.

Neymar wuxuu qalinka ku duugi doonaa heshiis dhan shan (5) sanadood isagoo todobaadkii jeebka ku shuban doona aduun dhan 596,000 kun oo Pound kadib canshuurta, halka 45 Malyan oo Pound uu ka heli doono nafsad ahaantiisa iibkiisa.

July 20-keedii ayey Mail Online ogaatay in Paris Saint Germain ay kalsooni ku qabto saxiixa xidiga reer Brazil ee Neymar Junior inkastoo ay Barcelona beenisay wadahadal dhexmaray wakiilka xidigaan ahna aabahiis iyo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip