Barcelona Oo Guulihii Man United Oo Afjartay, Neymar Jr Oo Wacdarihiis Sii Wata Iyo Valverde Oo Guuldaro Baday Mourinho.

0
Thursday July 27, 2017 - 11:38:20 in Sports News by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Guulihii Man United Oo Afjartay, Neymar Jr Oo Wacdarihiis Sii Wata Iyo Valverde Oo Guuldaro Baday Mourinho.

    Barcelona ayaa guul ka gaadhay Manchester United iyada oo kulankii ka dhacayFedEx Field ay kooxda Valverde dhinaca dhulka ugu dhigtay Jose Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils. Barcelona ayaa guulaysatay kulankeedii labaad ee ay xagaagan ciyaartay laaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa guul ka gaadhay Manchester United iyada oo kulankii ka dhacayFedEx Field ay kooxda Valverde dhinaca dhulka ugu dhigtay Jose Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils. Barcelona ayaa guulaysatay kulankeedii labaad ee ay xagaagan ciyaartay laakiin waxay soo gabagabaysay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay Manchester United ku soo jirtay intii ay joogtay ciida USA.

Neymar Jr ayaa markale noqday farqiga u dhexeeyay labada kooxood ee dhinaca goolasha iyada xidiga ree Brazil iyo Lionel Messi ay qaybtii hore ee kulankan dhibaato ku abuureen Manchester United. Valverde ayaa kulankiisii labaad ee Barcelona la guulaysatay iyada oo hawlaha Balaugrana ay si fiican wali ugu socdaan.

Daqiiqadii 31 aad ee kulankan ayay Barcelona la timid goolka furitaanka isla markaana noqday goolka kaliya ee labada kooxood kala saaray waxaana Balaugrana goolka u saxiixay Neymar Jr kaas oo Antonio Valencia ku ciqaabay qalad xun oo uu ku horsameeyay goolkiisa hortiisa iyada oo Messi uu kubbad dilaa ah dhex dhiga Valencia iyo Neymar, laakiin xidiga ree Brazil ayaa si qurux badan kubbada ugala dhex baxay difaaca United si uu David De Gea kubbada shabaqa ugu dhaafiyo waxayna noqtay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Barcelona XI (4-3-3): Cillessen; Semedo, Mascherano, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Alena; Messi, Luis Suarez, Neymar.

Kaydka:Marlon, Pique, Denis Suarez, Turan, Iniesta, Vermaelen, Alcacer, Digne, Roberto, Vidal, Ortola, Samper, Douglas Pereira, Munir, Ezkieta.

Manchester United (4-3-3): De Gea; Valencia, Lindelof, Smalling, Blind; Pogba, Carrick, Lingard; Mkhitaryan, Lukaku, Rashford.

Kaydka:Bailly, Jones, Rojo, Mata, Martial, Andreas Pereira, Young, Romero, Herrera, Shaw, Fosu-Mensah, Fellaini, Mitchell, Darmian, Tuanzebe, McTominay, Castro.

David De Gea ayaa muujiyay adkaysi iyo awood ciyaareed oo cajiib ah si uu u cadeeyo sababta ay Real Madrid ugu quusan wayday isla markaana ay Manchester United ugu dhegsan tahay in uu Old Traffrod ku sii nagaado. De Gea ayaa Manchester United ka badbaadiyay fursado badan oo ay heleen Messi, Suarez iyo Neymar.

Anthony Martial, Andreas Pereira , Romelu Lukaku iyo Pual Pogba ayaa dhamaantood fursado goolal lagu dhalin karayay helay laakiin sidoo kale goolhayeCillessen ayaa Manchester United uga dhaartay inay shabaqa kooxdiisa u dhaafaan.

Sidii kulan saaxiibtinimo caadada u ahayd qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada tababare isbadalo badan sameeyeen laakiin Manchester United ayayna u suurtogalin in ay wax gool ah la yimaadaan taas oo keentay in Barcelona ay guul ku gaadho goolkii Neymar uu dhaliyay qaybtii hore ee kulankan.

Jamaahiirta Manchester United ayaan wali ku faraxsanayn qaab ciyaareedka difaaca dhexe ee kooxdooda iyada oo lays waydiinayo ciyaartoyga Eric Bailly wadnaha difaaca Red Devils kula midoobi doona iyada oo saxiixa cusub ee Victor Lindelof uu shaki wayni bandhigiisu ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ICC Cupka ka tirsanaa ayaa jaamahiirta kubbada cagta aduunka gaar ahaan USA siiyay fursad ay ku daawan karaan qaar ka mid ah xidigaha kubbada cagta ugu waa wayn iyo waliba laba kooxood oo ka mid ah kooxaha Yurub iyo aduunka ugu fiican.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip