Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Barcelona & Man United, Ciyaartoydii Kulankan Isku Muujisay Iyo Kuwii Ku Fashilmay.

0
Thursday July 27, 2017 - 11:15:03 in Sports News by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Barcelona & Man United, Ciyaartoydii Kulankan Isku Muujisay Iyo Kuwii Ku Fashilmay.

    Mahamoud BatalaaleJuly 27, 2017 Waxaa dalka Maraykanka ka sii socda kulamada waa wayn ee ka tirsan koobka saaxiibtinimo ee ICC Cupka waxayna Barcelona guul ka gaadhay Manchester United mid ka mid ah kulaamdii ugu xiisaha badnaa ee sida wayn loo suga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahamoud BatalaaleJuly 27, 2017 Waxaa dalka Maraykanka ka sii socda kulamada waa wayn ee ka tirsan koobka saaxiibtinimo ee ICC Cupka waxayna Barcelona guul ka gaadhay Manchester United mid ka mid ah kulaamdii ugu xiisaha badnaa ee sida wayn loo sugayay. Goolal badan layskama dhalin waxaana taas sabab u ahaa in goolhayayaasha labada kooxood ay fursado badan beeniyeen gaar ahaan David De Gea ayaa soo qaatay waqti mashquul badan si uu Man United goolal badan uga badbaadiyo.

Sidii aad nooga barateen marka kulan wayn la ciyaaro, waxaana halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood si aan u ogaano ciyaartoydii bandhiga ugu fiican samaysay, kuwii bandhiga dhex dhexaadka ah muujiyay iyo waliba kuwii kulankan ku fashilmay.

Waxaanu eegi doonaa xidigii garoonka ugu fiicnaa iyo waliba qiimaynta ciyaartoy kasta oo waqti uu isku muujiyo garoonka ku jiray iyada oo qiimaynta ugu saraysa ee uu ciyaartoy heli karaa tahay 10 darajo.

XIDIGII GAROONKA:Goolhaye David De Gea ayaa noqday xidgii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu fursado badan oo goolal looga dhalin lahaa kooxdiisa Manchester United uu ka badbaadiyay MSN qaybtii hore ee kulankan, wuxuuna De Gea noqday xidiga qiimaynta ugu saraysa kulankan ka helay isaga oo xidigaha kale ee bandhiga fiican sameeyay ku garaacay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA BARCELONA:

Marka laga yimaado magacyada waa wayn ee uu tababare Valverde kulankan soo xushay waxaa indha si wayn u qabtay da’yarka Carles Alena kaas oo si cajiib ah uga shaqeeyay khadka dhexe. 19 sano jirkan heshiiska cusub ee saddexda sano ah u saxiixay Barcelona ayaa muujiyay sida uu mustaqbal way ugu leeyay Barcelona wuxuuna ka mid noqoday xidigaha ugu qiimaynta fiicnaa kulankan.

Messi, Neymar, Mascherano iyo goolhaye Cillessen ayaa sidoo kale qaayb ciyaareed fiican si la mid ah Pique iyo Iniesta oo qaybtii danbe ee kulankan ciyaarta soo galay. Guud ahaan ciyartoyda Valverde ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican ama meel dhexaad ah mana jiro hal ciyaartoy oo si gaar ah ugu fashilmay kulankii United.

BARCELONA:Cillessen 7; Semedo 6, Mascherano 7, Umtiti 6, Alba 6; Busquets 6, Rakitic 6, Alena 7; Messi 7, Suarez 6, Neymar 7

BADALKII:Vidal 6, Pique 7, Vermaelen 6, Digne 6; Roberto 6, Iniesta 7, Suarez 5; Munir 5, Alcacer 5, Arda 5

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA MAN UNITED:

Antonio Valencia, Daley Blind iyoVictor Lindelof ayaan farxad galin jaamahiirta iyo macalinka Man United ee Jose Mourinho halka saxiixa cusub ee Romelu Lukaku ay difaaca Barcelona aamusiiyeen inkasta oo da’yarka Marcus Rashford uu dadaal badan sameeyay. Sergio Romero ayaa gool cadaan ah ka beeniyay Alcacer si uu uga mid noqdo xidigaha ugu qiimaynta fiican United sidoo kale Pogba ayaa sameeyay qaab ciyaareed fiican.

MAN UNITED:David de Gea 8 ,Antonio Valencia 4,Victor Lindelof 5,Chris Smalling 6,Daley Blind 5,Paul Pogba 7,Michael Carrick 6,Jesse Lingard 6 , Henrikh Mkhitaryan 5, Romelu Lukaku 6,Marcus Rashford 7

BADALKII:Sergio Romero 7, Matteo Darmian 6,Phil Jones 6,Eric Bailly 5, Marouane Fellaini 6,Andreas Pereira 6,Anthony Martial 6, Axel Tuanzebe N/A

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip