Antonio Conte Oo Si Layaableh U Amaanay Harry Kane Isaga Oo Sheegay In Haddii Uu Gool Dhaliye Kale La Soo Saxiixanayo In Uu Kane Ahaan Lahaa.

0
Thursday July 27, 2017 - 10:35:56 in Sports News by
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Si Layaableh U Amaanay Harry Kane Isaga Oo Sheegay In Haddii Uu Gool Dhaliye Kale La Soo Saxiixanayo In Uu Kane Ahaan Lahaa.

    Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa si layaableh amaan ugu qubeeyay gool dhaliyaha xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane. Laakiin Conte ayaa kooxda Tottenahm kaga cadhaysiiyay sida ayna iyaga cadaadis ugu saarnayn in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa si layaableh amaan ugu qubeeyay gool dhaliyaha xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane. Laakiin Conte ayaa kooxda Tottenahm kaga cadhaysiiyay sida ayna iyaga cadaadis ugu saarnayn in ay koobka Premier Leaque-ga ku guulaystaan si la mid ah kooxaha kale ee waa wayn wuxuuna Conte sheegay in ayna wax dhibaato ahi soo gaadhayn Spurs haddii ayna suuqa kala iibsiga ciyaartoy kala soo wareegin.

Antonio Conte ayaa doonayay in uu Romelu Lukaku keensado Stamfrod Bridge laakiin markii uu xidiga ree Belgium doortay Manchester United ayuu macalinka ree Talyaani 70 milyan gini ku soo kharash gareeyay saxiixa Alvaro Morata balse waxaa la waydiiyay haddii uu gool dhaliye kale u baahan yahay xidiga uu la soo saxiixan lahaa isaga oo si furan u tilmaamay Harry Kane.

Conte oo ka hadlaya gool dhaliyaha kale ee uu jeclaan lahaa ayaa yidhi: "Haddii ay ahaan lahayd in aan hal gool dhaliye soo iibsado, waxay ahaanlahayd Kane. Isagu waa gool dhaliye dhamaystiran.Hadda aniga ahaan waxay ila tahay Kane, waa mid ka mid ah gool dhaliyaasha aduunka ugu fiican”.

Conte oo si layaableh u amaanaya Kane ayaa yidhhi; ‘Isagu jidh ahaan ayuu u xoogan yahay marka uu kubbada haysto iyo marka aanu haysanba, isagu wuu dagaalamaa isla markaana waxa uu ku xoogan yahay hawada iyo garabka bidix iyo midig. Haddii aad hadda u baxdo in aad soo iibsato Kane waxay ugu yaraan noqonaysaa 100 milyan gini”.

Harry Kane ayaa labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier Leaque-ga inkasta oo uu waliba xili ciyaareedkii la soo dhaafay uu waqti badan garoomada kaga maqnaa dhaawac soo gaadhay.

Conte ayaa isaga oo Kane ka sii hadlaya yidhi: ” Isagu waa ciyaartoy dhamaystiran. Waa mid ka mid ah gool dhaliyaasha aduunka ugu sareeya”. Kane ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay 29 gool u soo dhaliyay kooxdiisa Tottenham oo kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka Ingiriiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip