Jen Jaamac Maxamed Qaalib oo iska diiday xilkii uu u magacaabay madaxweyne Farmaajo

0
Monday July 10, 2017 - 22:10:55 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jen Jaamac Maxamed Qaalib oo iska diiday xilkii uu u magacaabay madaxweyne Farmaajo

    Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa iska diiday xil uu dhawaan u magacabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa iska diiday xil uu dhawaan u magacabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Jaamac Maxamed Qaalib guddoomiyaha guddiga Taakuleynta Qaran ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

"Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxaa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo in aan dhallinyarada Jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin in aan wax sheego kuma qasbaneenā€¯

Jen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka mid ahaa martii ka qeybgashay munaasabada looga dhawaaqay gudigan, hasse ahaatee waxaa uu ka cudurdaartay xilka uu madaxweynaha u magacaabay.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta dhismaha ciidamo qaran oo hela xuquuqdooda, iyadoo dowladda ay caqabado ka heystaan arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay mushaarka ciidamada oo ku tiirsan gacan shisheeye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip