Wasiir Turkish ah oo loo diiday inuu galo dalka Austria

0
Monday July 10, 2017 - 21:51:41 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Turkish ah oo loo diiday inuu galo dalka Austria

    Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha Turkiga, Nihat Zeybekci, ayaa waxaa laga mamnuucay dalka Austria, ka dib safar uu qorsheynayay in uu dalkaasi kaga qaybgalo bannaanbax lagu doonayay in lagu xuso afgembigii fashilmay ee sanadkii hore ka dhacay dalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha Turkiga, Nihat Zeybekci, ayaa waxaa laga mamnuucay dalka Austria, ka dib safar uu qorsheynayay in uu dalkaasi kaga qaybgalo bannaanbax lagu doonayay in lagu xuso afgembigii fashilmay ee sanadkii hore ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Austria, Sebastian Kurz, ayaa waxaa la sheegay in uu isagu lahaa go’aanka Wasiirka Turkiga loogu diiday inuu yimaado Austria.

Thomas Schnoell, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Austria oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay go’aankaasi uu ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Austria.

Afhayeenka, ayaa waxaa uu sheegay bannaanbax uu Wasiirka Dhaqaalaha Turkiga kaga qaybgalo Austria, ay halis gelin karto buu yiri ammaanka iyo xasiloonida Austria.

Austria, ayaa waxaa la xusuustaa in ay dhaliishay hawlgalada Ciidamada Turkiga ka sameeyeen dalkaasi, wixii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee 15-kii bishii July ee sanadkii hore ka dhacay Turkiga.

Wadamada Reer Galbeedka, ayaa dhaliilay jawaabtii adkeyd ee Xukuumadda Ankara ka bixisay afgembigii la doonaayay in kursiga looga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip