Xaalad Kacsanaan ah oo Ka Jirta Degmada Jalalqsi ee Gobalka Hiiraan

0
Monday July 10, 2017 - 21:43:00 in Wararka by
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad Kacsanaan ah oo Ka Jirta Degmada Jalalqsi ee Gobalka Hiiraan

    warar sheegaya in Degmada Jalalqsi ee Gobalka Hiiraan ay ka jirto xaalad kacsanaan ah iyadoo maalinimadii shaley aheyd Degmadaasi uu Gabalka ugu dhacay Jawi ka duwan midkii hore, uu deegaankaasi galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

warar sheegaya in Degmada Jalalqsi ee Gobalka Hiiraan ay ka jirto xaalad kacsanaan ah iyadoo maalinimadii shaley aheyd Degmadaasi uu Gabalka ugu dhacay Jawi ka duwan midkii hore, uu deegaankaasi galay

kadib markii labo maleeshiyo oo hubeesan oo dirir ku dhex mareesay gudaha degmadaasi ay soo kala dhex galeyn Ciidamado Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaana Ciidamada Jabuutiyaanka ah ee dhax dhaxaadinta halkaa ka waday ka dhaawacmay hal askari iyadoo wixii markaa ka dambeeyeyna Ciidamada Jabuutiyaanka ah ay bilaaween in ay risaas ooda kaga qaadan maleeshiyaadka halkaa kuwada dagalamaayey ayna soo xir xiraan dadka aan hubeesaneen.

Risaasta ay fureen Ciidamada Jabuutiyaanka ayaa waxaa ku geeriyooday labbo ruux oo rayid ahaa sida Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho uu u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka, isagoo intaas ku daray in ay xireyn dadkii deegaanka oo uu sheegay in aynan u aaba yeelin.

Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiraan Ibraahim Madoowe Nuur ayaa sidoo kale Idaacadda Simba u xaqiijiyey shaqaaqooyinka degmadaasi ka jiro iyo in ciidamada Jabuutiyaanka ah ay dad badan xir xireen iyagoo aan maamulka degmadaasi ka talagelin tilaabooyinkaasi oo uu sheegay in ay tahay mid xad gudub ku ah maamulka degmadaasi oo aynan u dul qaadan doonin.

Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa si markii loo eego ay tahay mid ku jirto Bandoow mar hadii dadka deegaanka aynan socon Karin oo ay ka baqanaayaan in ay xiraan ciidamada Jabuutiyaanka ee qeybta ka ah howlgalka midowga afrika ee AMISOM.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip