Mareykanka oo burburinta Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya u diyaariyay diyaarado iyo hub casri ah + VIDEO

0
Monday July 10, 2017 - 21:27:49 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo burburinta Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya u diyaariyay diyaarado iyo hub casri ah + VIDEO

    Dowladda Mareykanka ayaa diyaarineysa qorshe Milateri oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, iyadoo saacadaha soo socda dalalka Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Shiinaha ay ku wajahan yihiin diyaarado casri ah oo xambaarsan Bambooyin kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarineysa qorshe Milateri oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, iyadoo saacadaha soo socda dalalka Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Shiinaha ay ku wajahan yihiin diyaarado casri ah oo xambaarsan Bambooyin kala duwan.

Saldhigga Milateri ee Ciidamada Cirka Mareykanka oo ku yaala magaalada Clifornia waxaa ka kictimay shixnado diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee lagu magacaabo B-1B, kuwaasi oo dhoolatus iyo carbis ka sameeyay dhulka keymaha ah ee magaalada Clifornia.

War ka soo baxay Pentagon-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahaan ay weerarayaan goobaha hubka Nukliyeerka ee dalka Waqooyiga Kuuriya oo tijaabinaya gantaalaha xambaara Nukliyeerka.

Diyaaradahaan casriga ah ayaa awood u leh inay hawada ku jiraya muddo dhowr saacadood ah isla markaana awood u leh inay duqeeyaan goob kasta oo ku taala dhulka korkiisa ama hoostiisa, waxayna tallaabadani ku soo beegmeysaa xilli dhowaan xukuumada Waqooyiga Kuuriya ay ku guuleysatay tijaabinta gantaal nooca qaaradaha isaga gudba oo casri ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip