Xildhibaanada Beesha Mudullood oo ka shiray xiisado ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan

0
Monday July 10, 2017 - 21:15:29 in Wararka by
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Beesha Mudullood oo ka shiray xiisado ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan

    Xildhibaanada Beesha Mudullood ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir ka yeeshay xiisado ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo isla qaatay sidii xal loogu heli lahaa xiisadahaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Beesha Mudullood ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir ka yeeshay xiisado ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo isla qaatay sidii xal loogu heli lahaa xiisadahaas.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Xildhibaanka ay soo gaartay cabashooyin iyo dhiilo ka taagan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Cosoble ayaa shalay gurigiisa gogol ugu dhigay Xildhibaanada kale ee beesha, ayna ka wada tirsan yihiin Baarlamaanka, isagoo la wadaagay xaaladaha ka jira deegaanka iyo sidii loogu istaagi lahaa wax ka qabashadeeda.

Arrimaha laga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa xiisad ka taagan deegaano ka tirsan degmada Cadale oo horay ugu dagaalameen Beelaha Celi iyo Cabdalla Carooni, haatan laga cabsi qabo in colaadaas soo cusboonaato.

Sidoo kale waxaa laga hadlay xiisad ka taagan deegaanka Garasbaaley, halkaasoo dhowaan lagu dilay Nabadoon caan ah, iyadoo dilkan ay salka ku heyso madax banaanida maamulka deegaanka, maadaama maamulka degmada Dayniile ku doodayo inay hoos timaado Garasbaaley.

Waxaa kaloo kulanka Xildhibaanada Beesha Mudullood lagu casuumay labo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Jareer weyne, iyagoo laga hadlay xiisad maalmahan ka jirtay tuulooyin hoos taga deegaanka Xawaadle oo iska hor imaadyo hubeysan ay ka dhaceen.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ku soo biiray Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan Ducaale, waxaana Xildhibaanada ay ku wargeliyeen in xiisada ka jirta Garasbaaley wax ka qabto, waxaana u xil saareen isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xalinta xiisadan iyo sidii wax looga qaban lahaa tabashada ka jirta deegaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa kulan ugu tagay Guriga Iimaamka, waxaana halkaas ka dhacay kulan looga tashanayay sidii looga hortagi lahaa, laguna baajin lahaa dagaal dhiig ku daata oo mar kale dhex mara dadka walaalaha ah ee wada dega deegaano ka tirsan degmada Cadale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip