Qarjab:-"20 Xubnood oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab ayaa Lagu Dilay Galgala",

0
Monday July 10, 2017 - 21:09:29 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarjab:-"20 Xubnood oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab ayaa Lagu Dilay Galgala",

    Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgalada Ciidamada Amniga Maamulkaas ay ka wadaan Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgalada Ciidamada Amniga Maamulkaas ay ka wadaan Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in ciidanka amniga Puntland ay sii wadi doonaan hawlgalka, inta buu yiri laga soo afjarayo dagaalyahanada Xarakada Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Galgalaee Gobolka Bari

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Buuraha Galgala ee Gobolka bari ayaa hawlgalo ka wada Buuralayda deegaanadas waxayna Saraakiisha amnigu ay sheegeen inay ku dileen 20 Xubnood oo ka tirsanaa dgaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka amniga Puntland Qarjab, ayaa sheegay in amniga guud ee Puntland uu aad u wannaagsan yahay, isla markaana ay ciidanku gudanayaan hawlahooda shaqo.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdi Qarjab ayaa sheegay in ciidanku ay baaritaano ku samayn doonaan cid kasta oo looga shakiyo inay gacan ku leedahay falalka Argagixisada, isla markaana Maxkamad la horgeyn doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip