Mucaaradka Kenya oo Codsaday in Ciidamada Kenya Laga Saaro Soomaliya

0
Monday July 10, 2017 - 21:02:15 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Kenya oo Codsaday in Ciidamada Kenya Laga Saaro Soomaliya

    Hogaamiyayaasha Mucaaradka dalka Kenya ayaa dowlada dalkaasi ku eedeeyay in bandowgii lagu soo rogay jaziirada Lamu, hareeraha wabiga Tana iyo dagmada Gaarisa in aysan aheyn qorshe amniga lagu sugi karo iyagoo wasiirkii hore ee waxbarashada dowlada K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyayaasha Mucaaradka dalka Kenya ayaa dowlada dalkaasi ku eedeeyay in bandowgii lagu soo rogay jaziirada Lamu, hareeraha wabiga Tana iyo dagmada Gaarisa in aysan aheyn qorshe amniga lagu sugi karo iyagoo wasiirkii hore ee waxbarashada dowlada Kenya oo xilkan loo magaacabay kadib markii uu geeriyooday wasiirkii arimaha gudaha iyo aminga dalkaasi ku eedeeyay wasiirkan cusub in aanu aqoon u laheyn howlgalada dagaalada.

Xisbiga Mucaaradka dowlada Kenya ee uu hogaamiyo Ra’isulwasaarihii hore ee dalkaasi Rayla ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogo deegaanada weerarada ay ka dhacaan in aanu xal u aheyn dagaalka ay Kenya kula dagaalmeyso dagaalyanada Xarakada Al shabaab.

Isu soobax taageero loogu muujinayay musharaxa hogaamiyaha NASA Raila Odinga oo ka dhacay dagmada Kilifi ayaa waxa su’aal la galiyay in go’aanka uu qaatay Dr.Matiangi oo ah wasiirka amniga Kenya ee ku aadan bandowgan la soo rogay inuu saameyn toos ah ku yeelan karo inta lagu guda jiro codeynta doorashooyinka guud ee la qorsheeyay in ay dhacaan 8 bisha August.

Musalia Mudavadi oo kamid ah madaxda xisbiga mucaaradka dowlada Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo laga soo bixiyo gudaha dalka soomaaliya in ay tahay sababta kaliya ee weerarada iyo amni darrada ka taagan Kenya lagu soo afjari karo waxaana uu tilmaamay in Xarakada Al shabaab-na lala dagaalami karo ciidamada oo isla Kenya ka howlagaya.

Bandowgan lagu soo rogay jazirada Lamu iyo Gaarisa ayaa daba socda weeraro is xig xigay oo ka dhacay deegaanada waqooyi galbeed ee dalka Kenya iyadoo maalin ka hor jaziirada Lamu dagaalyanada Xarakada Al shabaab ay ku dileen 9 qof oo kenyaati ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip