Dab caawa ka kacay degmada Kaaraan

0
Monday July 10, 2017 - 20:48:59 in Wararka by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab caawa ka kacay degmada Kaaraan

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab caawa ka kacay guri ku yaalla xaafada Buula-maaxaay ee degmada kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay Warbahinta u sheegeen qaar ka tirsan dadka degaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab caawa ka kacay guri ku yaalla xaafada Buula-maaxaay ee degmada kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay Warbahinta u sheegeen qaar ka tirsan dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay Dabkan in uu ka dhashay Koronto, mar qurana ay ka war heleen Dab xoogan oo ka kacay guri ka mid guryaha halkaasi ku yaalla.

Gaadiidka Dab damiska oo goobta gaaray iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta Dabkii halkaasi ka kacay, si aysan u badan khasaaraha Dabkaasi uu geytay.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay khasaaraha uu geystay Dabka in uu yahay mid kooban, uuna burbur kooban soo gaaray qaar ka tirsan guryaha halkaasi ku yaalla.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip