Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo

0
Monday July 10, 2017 - 20:17:23 in Wararka by
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo

    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed, kulankan ayaa ku saabsanaa in dadka ay ra'yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee han

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed, kulankan ayaa ku saabsanaa in dadka ay ra'yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurkaoo ay Wasaaradda gacanta ku hayso.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed C/qaadir Nuur Caraale, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlad goboleedka Koofur Galbeed

Wasiir Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada bulshada rayidka ee Koofur Galbeed ay muhiim u tahay diyaarinta Qorshaha Guud ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

"Maanta waxaa sharaf inoo ah in kulamadii wadatashiga mid kamid ah aan ku qabano Baydhabo, waxa aan idinkaga baahannahay in aad taladiina ku darsataan qabyo qoraalka Qorshaha Guud ee haannaanka dib-u-eegusta Dastuurka ee aan diyaarinaynoā€¯ ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa talooyin badan u soo gudbiyay Wasaaradda iyaga oo ku dhiirageliyay in ay sii wadaan kulamada ceynkan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Guud uu weli yahay qabyo uuna rasmi noqon doono marka laga tala geliyo dhamaan dawlad goboleedyada kadibna lagu ansixiyo shirweynaha Qaran ee Dastuurka ee bisha soo socota ka dhici doona Muqdisho ayna ka qaybgeli doonaan madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip