WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA LUULYO 2017-KA

0
Monday July 10, 2017 - 19:34:39 in Wararka by
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA LUULYO 2017-KA

    MAXAAABISTA SOOMALIDA EE KU XIRAN DALKA HINDIYADA OO LASOO DEYNAYO Safiirka Somaliya ee Hindiya Ambassador Abyan Maxamed Saalax oo shir la xiriira horumarinta iyo kor u qaadista caddaalada dumarka Soomaaliyeed kaga qaybgaleysay magaalada Toronto e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAAABISTA SOOMALIDA EE KU XIRAN DALKA HINDIYADA OO LASOO DEYNAYO Safiirka Somaliya ee Hindiya Ambassador Abyan Maxamed Saalax oo shir la xiriira horumarinta iyo kor u qaadista caddaalada dumarka Soomaaliyeed kaga qaybgaleysay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa ka warbixisay xaala dda ay ku suganyihiin Somali la sheegay in ay u burcad badeed ugu xiranyihiin xabsiyada dalka Hindiya, kuwaasi oo haatan ah xukun sugayaal.

Waxa ay sheegtay ambassador Abyan Maxamed Saalax Safiirka Somalia ee Hindiya in xabsiyadda dalka Hindiya ay ku xiran yihiin tiro badan oo ku eedeysan falal burcad badeednimo, islamarkaana dhawaan Maxkamadda Lasoo taagi doono.

"Tirada guud ee burcadbadeedda ku xiran waxa ay gaaraysa 118 qof ,labo kamid ah waa ay geeriyoodeen , halka dhamaantoodna ay yihiin xukun sugayaal " ayey tiri ambassador Abyan Maxamed Saalax oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Dhanka kale Safiirka Somalia ee Hindiya ambassador Abyan Maxamed Saalax waxa ay sheegtay in dhawaan dalka Hindiya uu gaari doono Wasiirka arimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Garaad Cumar si uu heshiis isafgarad ah ula saxiixdo dowladda Hindiya ,isla markaana loo sii daayo Somalida ku xiran xabsiyada dalkaas.

Ma jiraan maxaabiis u dhashay dalka Hindiya oo ku xidhan Somalia ,kuwaasi oo lagu badalan doono kuwa Som alia ,waxaana sida la sheegay lagu wadaa in heshiiska lagu soo daro qodobo ay kamid yihiin in Hindiya ay la wareegi karto wixii maxaabiis ah oo Somalia looga xiro mustaqbalka dhow si shuruud la’aan ah.

Dad lagu qiyaasay 6,000 oo Somali ah ayaa ku nool dalka Hindiya ,kuwaasi oo u badan arday, ganacasato iyo kuwa kale oo u yimid arimo caafimaad ,xilli arday badan oo Somali ay sanad walba ka qalinjabiyaan jaamacadaha dalkaas.

JUBALAND OO EEDEYN U JEEDISAY WASAARADDA BOOSTADA, ISGAARSIINTA IYO TIKNOOLIJJIYADDA DALKA

Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mari doono sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Mudane C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06 bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhe xe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dow lad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.

"Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixi nnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharciga” ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isga arsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Wasiirka wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tinoolijiyadda dowladda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xa san ayaa dhawaan sheegay in meelmarinta sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda aad loogu baahanyahay xilligan.

KADIB WEERARO DADKA KUNOOL LAMU OO BARAKAC BILAABAY

Dadka kunool degaanka Laamu ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay ka barakacaan Guryahooda ka dib markii ay kordheen Weerarada degaankaasi ay ku qaadayaan AlShabaab.

Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay Magaalada , waxaana ay sheegeen ha dii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.

Dadkaan ayaa ka naxsan Weeraro maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Lamu iyo sidoo kale dega anada hoos yimaada ee ku yaalla xadka Soomaaliya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ka badan yihiin boqol qoys.

Arbacadii ayaa la dilay Afar Sargaal oo ka tirsan Ciidamada booliska degaanka Pandagou , waxaa sidoo kale Meydadka 9 qof oo la gowracay lasoo dhigay degaanka Jim Habeenkii Jimcaha.

Dowladda ayaa xalay sidoo kale shaacisay in degaankaasi lagu soo rogay Bandow si loo xaqiijiyo Ammaanka.

SHIL KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY MUDUG

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in degaan u dhow hobyo uu ka dhacay Shil Gaari oo Khasaare geystay.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Shilka ayaa yimid ka dib markii uu rogmay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo kasoo baxay Hobyo , islamarkaana kusii jeeday Gaalkacyo.

Shilkan ayaa waxaa ku dhintay Hal Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha caafimaadka.

Dadka ku dhaawacmay shilkaan Gaari ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO BAAQ U DIRAY XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam " Axmed Madoobe” ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in aysan waqti dambe ku lumen khilaaf dhexdooda ah.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in hada aan loo baahneyn in waqti badan lagu lumiyo tartan siyaasad eed oo madaxda dowladda dhexe dhexdeeda ah

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliya ay u baahan yihiin Xasilooni Siyaasadeed isla markaana loo baahan yah ay in si wadajir ah loogu shaqeeyo hormarka Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ay diyaar u yihiin in ay si dhaw ula shaqe eyaan Madaxda Dowladda Dhexe.

DIBAD BAX BALLAARAN OO MAANTA KA DHICI DOONA ISTANBUL

Tobanaan kun oo qof oo dibed bax samaynaya ayaa maanta gaari doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay socod kasoo billaabeen caasimadda Ankara oo 450 kilo mitir u jirta.

Mudaharaadka ayaa ka dhan ah dowladda madaxweyne Rajab Tayib Erdogan, waxaana lagu tilmaamay "socod ka cadaallada”.

Dibed baxa oo bilowday ka dib markii la xiray xildhibaan mucaarad ah, ayaa waxa dadka mudaharaadaya ay diid dan yihiin kumannaan qof ee la xiray ama shaqada laga eryay wixii ka dambeeyay isku daygii afgembi ee sanadkii hore dalkaasi ka dhacay.

In ka badan 50,000 ayaa la xiray, halka 140,000 shaqada laga eryay ama laga joojiyay tan iyo markii ay qeybo ka mid ah ciidamada dalkaasi isku dayeen afgembiga.

Dibed baxan waxaa korkacaya Kemal Kilicdaroglu oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee CHP, kaasoo ku tilmaamay jawaabcelinta dowladda ee isku daygii afgembi mid la mid ah inqilaab kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay dibed baxa mid "lagu taageerayo argagixisada”.Dadka mudaharaadaya ayaa tegi doona xabsiga lagu hayo xildhibaanka mucaaradka ah.

SHABAAB OO TOOGASHO KU DILAY AFAR RUUX

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Dadka degaanka Afarta qof waxaa dilay dagaalyahano ka tirsan AlShabaab.

Dadka la dilay ayaa waxa ay qaarkood ahaayeen Ergooyinka Xildhibaanada soo dooratay

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Afarta qof ee la dilay in ay Shabaab isku dhaceen ka dibna ay ku biireen ciidamada dowladda.

Waxaa uu sidoo kale goobjoogahaasi uu sheegay in ay doonayeen in ay AlShabaab dhibaato u geystaan Maad aama Mid ka mid ah Ragga la dilay Walaalkiisa maalin ka hor ay dileen Shabaab,islamarkaana ay u socdeen Aargoosi.

JUBALAND OO EEDEYN U JEEDISAY WASAARADDA BOOSTADA, ISGAARSIINTA IYO TIKNOOLIJJIYADDA DALKA

Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mari doono sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Mudane C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa shee gay in shir 06 bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.

"Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixi nnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharciga” ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isga arsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Wasiirka wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tinoolijiyadda dowladda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xas an ayaa dhawaan sheegay in meelmarinta sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda aad loogu baahanyahay xilligan.

RA’IISUL WASAARAHA CIRAAQ OO SAFAR LAMA FILAAN KU TAGAY MAGAALADA MOSUL

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar AlCabaadi ayaa gaaray magaalada Mosul, si uu ugu hambalyeeyo guusha Cii damada Ciraaq ka soo hoyeen dagaalkii ay uga saareen magaalada Kooxda Daacish.

Mr Abadi ayaa diyaarad kuwa ciidamada ku tagay, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaa uu la kulmi doonaa saraakiisha ciidamada ee howl galka hoggaaminayay. Ciidamada Ciraaq oo taageero ka helayay Xulafada uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa dadaal ugu jiray la wareegitaanka magaalada tan iyo bishii October ee sanadkii hore, xilligaasoo uu bilowday howl galka ka dhanka ah Daacish.

Kooxda Daacish ayaa la wareegtay magaalada Mosul bishii June ee sanadkii 2014, iyadoo ay tahay magaaladii looga dhawaaqay Khilaafada Islaamka.

Magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Ciraaq ayaa si ba’an ugu bur burtay dagaaladii iyo duqeymihii ka socday. Howl galka Daacish looga saaray magaalada ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamada Kurdi yiinta ee loo yaqaano Peshmerga, Dagaalyahano ka soo kala jeeda Sunniyiinta iyo Shiicada dalka Ciraaq.

WASIIR XOOSH IYO SARAAKIIL SARE OO KA TIRSAN WASAARADDA ARRIMAHA DASTUURKA OO GAARAY BAYDHABO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoo sh Jibriil iyo Saraakiil Sare oo katirsan Wasaaradda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xubnaha Wasiirka safarka ku wehliya ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr iyo 3 kamid ah Lataliyayaasha Wasaaradda.

Ugu horeeyn, Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa shir la qaatay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galb eed ahna Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka iyo Hubkadhigista Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed Mudane Cabduqaadir Cali Caraale.

Intaa kadib, AVV Cabdi Xoosh oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay ujeedaada ay daarantahay safarka wafdiga uu hogaaminayo.

"Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dibueegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daahfurnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala du wan ee bulshada Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu damabeyn, safar hawleedkan ayaa kamid ah kuwo ay Wasaaradda ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qayb galkiisu loo dhanyahay.

MAREYKANKA OO $ 639 MILLION UGU DEEQAY DALAL AY SOOMAALIYA KA MID TAHAY

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin doollar ay ugu deeqeyso dadka ay Abaaruhu saameey een ee ku nool dalalka Soomaaliya, Nigeria, Suudaanta Koofureed iyo sidoo kale dalka Yemen.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka qeybgalayay Shirka G20 ee dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay nolasha dad badan oo xilligaan ku jira dhibaato culus. Sidoo kale madaxweynaha Trump ayaa xusay in dalalka caalamka laga doonaayo in ay caawiyaan dalalkaasi oo uu sheegay in ay ka taagan yihiin Abaaro iyo dagaalada aan joogsiga laheyn.

Lacagtaan ayaa dhan $ 639 million oo dopllar, waxaana la sheegay in la sii marin doono hay’addaha samafalka oo ay ka mid tahay hay’adda WFP

Soomaaliya ayaa lacagtaas waxaa uga soo qaadaya in ka badan $120 million oo doollar oo la filayo in ay wax weyn ka tarto xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gudaha dalka.

WASIIRKA HAWEENKA & HORUMARINTA XAQUUQUL INSAANKA MARWO DEEQA YAASIIN AYAA DAAHFURTAY BILLOWGII NIDAAMKII LAGU SOO XULAYEY GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE XAQUUQUL INSAANKA

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa maanta daahfurtay billowgii nidaamkii lagu soo xulayey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka. Tani waa tallaabo muhiim u ah xoojinta, dhowrista iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka Dalka.

"Maanta waa maalin taariikh weyn u ah Shacabka Soomaaliyeed oo loo dhisayo Guddigan Madaxabannaan oo wax weyn ka bedeli doona noloshooda. Wallow ay jiraan caqabado farabadan sida amniga, gaajada iyo abaaraha, hadd ana Dowladda Federaaka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.” Ayey tiri Wasiir Dee qa Yaasiin.

Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo dhammaan qeybaha bulshada ayey ka soo shaqeysay nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xaquuqul Insaanka iyadoo la raacayo Sharciga Guddiga Xaquuqul Insaa nka (Human Rights Commission Law). Guddigan ku meel gaarka ah ayaa maalmaha soo socda ka howlgeli doonaa diyaarinta sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Madaxabanaan. Waxeyna diyaarinayaan nidaamka iyo habraaca lagu soo xul ayo Guddiga Madaxabannaan iyadoo si adag loo raacayo Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Sharciga dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka. Marka la diyaariyo habraaca iyo nidaamka xulista, waxaa ku xigi doonta xogwareysiga (interview) iyo xulidda shaqsiyaadka buuxiya shuruudaha oo ugu danbeyntii la xuli doono Guddi ku yimaada nidaam caddaalad ah.

Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ahmiyad gaar ah siisay sidii nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan ay u noqon lahaayeen kuwo loo dhan yahay, laga wada qeyb qaatay, daahfuran, caddaalad ah. Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxuu xaq u leeyahay inuu dalban karo inuu ka mid noqdo Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka Soomaaliya. Wasaaraddu waxey sidoo kale abuurtay jawi xoojinaya isla xisaab tanka si loo hubiyo in nidaamka iyo habraaca uu u noqon lahaa mid si simman ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale 9ka qofood ee Guddiga Madaxabanaan waxaa lagu soo xuli doonaa si caddaalad ah oo ixtiraam ku dhisan.

WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRWEYNIHII CAFIS EE TURKU FINLAND

Shirweynaha CAFIS oo muddo 2 maalmood ah 56 July, 2017 ka socday magaalada Turku ee dalka Finland ayaa waxaa soo abaabulay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo is xilqaamay waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin, khubaro heer caa lami, ururada bulshada ee dalka Finland, ka qeybgalayaal ay ka kala yimid Ingiriiska, Jabuuti, Switzerland ayaa lagu lafaguray ugu dambayntiina lagu daahfuray is ololaha iscafiska, CAFIS.

Shirweynaha oo ay soo fududeeyeen Ururka Difaacayaasha Nabadda ee dalka Finland oo kaashanaya Lansi Suomen Somali Seura iyo Suomen Somali Seura oo ah laba urur soo Soomaaliyeed. Shirkaas waxa qabsoomidiisa qayb weyn ka ahaa suxufiyiin dareemay waajibka iyo xilka ka saaran dalkooda iyo dadkooda. Weriyayaasha ayaa ku dhiirad ay qabashada howshan kadib wada tashiyo dheer oo ay la sameeyeen dad khubaro oo aqoon u leh maadada, taasina waxaa ka dhashay gogoshan lagu daahfurayo shirweynaha CAFIS oo ay marti geliyeen dadka soomaaliyeed ee deggan Finland gaar ahaan Turku.

Shirka ayaa waxaa furay Elina Rantanen oo ah madaxa magaalada Turku oo ah magaaladii martigelineysay shi rka labada cisho ah, iyadoo soo dhoweyn kadib bogaadisay barnaamijka iyo muhiimada uu u yeelan karo xiligan Soom aaliya, balanqaadayna in ay ololaha taageeri doonaan.

Labadii cisho ee uu shirku socday ka qeyb galayaasha waxa ay isla qireen in arrinka IS CAFISKu u yahay umma dda soomaaliyeed lagama maarmaan heer shakhsi – oo qofkii caafimaad u tahay – iyo heer bulsho.

Waxyaalaha shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah in aanay dadka keliya u baahneyn inay dhexdooda is cafiy aan, balse loo baahan yahay in aynu cafis weydiisano dhulkeenii iyo xitaa dhirteenii aynu godobta ka galnay ee aan xaalufinay!

Kasooqaybgalayaashii shirweynaha CAFIS waxay ku bogaadiyeen dhalinyaradii iyo aqoonyahankii iskood isu xilqaamay inay dadaalkan halkaas ay kasii wadaan ilaa ay ka miro dhalinayaan is CAFIS taam ah oo gaarta ah guri kasta iyo qof kasta.

Waxyaabihii ugu qiirada badnaa ee shirka ka dhacay waxaa ka mid ahaa gabar yar oo 11 sano jirta oo dadkii me esha isugu yimid weydiisay su’aalo ka qeybgalayaashii ka ilmeysiiyay. "Waxa aan ahay ilme caruur ah oo Soomaali ah, laakiin ma garanayo sababta maalin kasta loo dilo caruur Soomaaliyeed oo ila mid ah? ……….”, su’aalahaasi waxa ay ka mid ahaayeen kuwii ay is weydiisay gabar yar oo Soomaaliyeed oo 11 sano jirtay.

QODOBADA SHIRKA KASOO BAXAY

Dadkii shirka isugu yimid waxa ay isla qireen inay dadka Soomaaliyeed ka daaleen colaad, ayna arkeen in aanay dhammaad lahayd, diyaarna u yihiin in la jebiyo gidaarka colaadda, laguna bedelo jawi is CAFIS, kaas oo kamid noqon doona tiirarka dibuheshiisiinta iyo dibucurashada Soomaalida cusub.

In ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo Samowade ahi halkiisa uu adduunka ka joogo ka bilaabo dadaal lagu abuurayo jawi is CAFIS, isagoo ka bilaabaya nafs adiisa iyo gurigiisa,

waxaa la isla qaatay in aanay iscafintu cid gaar ah u xilsaarnaaneyn, ay waajib tahay qof walba haduu xil hayo iyo hadduusan haynba uu kaalintiisa ka qaato. "daawanaayow, waa dadkaagii”!

Kaqeybgelayaashu waxa ay si hagar la’aan ah ugu muujiyeen inay ku faraxsan yihiin, ayna diyaar u yihiin qof waliba intii kaga soo aada uu ka qaato door muuqda.

In howshan aan halkan lagaga harin, oo la qabto shirar kale oo caalamka daafihiisa iyo dalka gudihiisa ka dhaca oo ololahan ka bilowday daahfurka CAFISKA lagu taageerayo.

Shirkani waxa uu ku baaqayaa in shirkii Hannaanka Dibuheshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay 1317 June 2017, dowladdu ka dhabayso is cafintu qeyb weyn ku yeelato, saxaafaddana door muuqda laga siiyo.

BAAQ

DAAHFURKA CAFISKA ee magaalada Turku lagaga dhawaaqay waxa uu ugu baaqayaa qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu jooogo, in uu marka hore cafis dalbada isna wax cafiyo, abaabulka iyo ololaha CAFIS ee bilaabm ayna halkooda ka bilaabaan.

Waxa shirka CAFIS lagu soo gabagabeeyey tixihii taariikhda galay ee maansadii Dibuheshiisiin ee uu tiriyey Abwaan Abshir Bacadle

Duqowdiyo wax garadkow, fursadan dahabigaa qaata

Dad weynihiyo shacabkow, ayida dib u heshiisiinta

Dumarkiyo caruurtow qalbiga, nabad ka doon doona

Dhalinyarada duulaamadow, damiya baaruuda

Aqoonyahanki lagu daalayow, deynta soo celiya

Culimada dariiqooyinkow, daacad wax u sheega

Degaanada cadaawoobayow, dib u walaalooba Dhamaad

R/WASAARE KHAYRE "CALANKU MA TAAGNAAN KARO OO CIRKA KAMA BABBAN KARO HADDAANU CIIDAN KU TIIRSANAYN”.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay barnaamij lagu taageereyey Ciidanka Qaranka oo soo qabanqaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana dhaqaale loogu uruurineyey ciidamadda qalabkasida, waxana munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood qiray sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed ay gacantooda ku dhistaan ciidamadda qaranka, si looga baxo baahida uu dalkeenu u qabo ciidan difaaciisa u taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo dadkeenu ka shaqeynayaan dhismaha ciidan kooda, isagoo soo xiganaya taariikhda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ciid amadda Afrika ugu tayada iyo tirada fiican ay kamid ahaayeen ciidankeenu, hadana wadajir iyo isku tashi lagu gaari karo in dib loo yagleelo ciidamadaasi.

"Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka gey stay olohihii hirgelinta AfSoomaaliga ee sanadkii 1974kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin”ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas raaciyey.

"Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo hadduu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qab san karo. Waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayan ku hur din ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh. Ayuu raaciyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadi aysan gaari karin midnimo iyo horumar haddii aanay leheyn ciidan ay u baxsato waqtiyada adag, isla markaana uusan dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin haddii aanu lahayn ciidan heegan ah. Sida kaliya ee dhibkaas looga bixi karana ay tahay isku tashi, dhamaanteenna loo baahan yah ay inaan u istaagno dhismaha ciidankeena, si aan ula tartanno wadamada nalamidka ah.Wuxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagu taageero ciidanka qof walba wixii uu awoodo.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qaranka, ku waas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, isla markaana horey loo tijaabiyey.

SHABAAB OO TOOGASHO KU DILAY AFAR RUUX

Wararka naga soo gaaraya degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi la gu dilay Afar ruux.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Dadka degaanka Afarta qof waxaa dilay dagaalyahano ka tirsan AlShabaab.

Dadka la dilay ayaa waxa ay qaarkood ahaayeen Ergooyinka Xildhibaanada soo dooratay

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Afarta qof ee la dilay in ay Shabaab isku dhaceen ka dibna ay ku biireen ciidamada dowladda.

Waxaa uu sidoo kale goobjoogahaasi uu sheegay in ay doonayeen in ay AlShabaab dhibaato u geystaan Maad aama Mid ka mid ah Ragga la dilay Walaalkiisa maalin ka hor ay dileen Shabaab,islamarkaana ay u socdeen Aargoosi.

PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY FARIISIMO AY ALSHABAAB KALA WAREEGTAY

Maamulka Puntland ayaa manta Saxaafada usoo bandhigay Fariisimo iyo deegaano ay alshabaab kala waree geen kadib dagaal qaraar oo 4 maalin ka socday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Mudo ka badan 4 Maalmood Ciidamada MAAMUL GOBOLEEDKA Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadoow ee Gobolka Bari halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaaltahano ka tirsan AlShabaab.

Hawlgalkan oo si joogta ah uga socday deegaanada kala ah Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow ayey ciidamadu soo bandhigeen Qalab ay kala wareegeen AlShabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo Saxaafada la hadlay howlgalka kaidb ayaa wax ay sheegeen in intii uu howlgalk socday ay dagaal ku dileen ilaa 18 Askari oo ka tirsan Ciidamada AlShabb sida ay hadlka u dhigeen.

Weli AlShabaab dhankooda kama hadlin howlgalka ay Saraakiisha Puntland ku sheegen in ay kula wareegeen fariisimihii AlShabaab ee Buuraha Calamadoow ee Gobolka Bari Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

NIN ODAY AH OO GOORDHOW LAGU DILAY DEGMADA WARTANABADDA

War soo gaaray Warqabadaka Radio Dalsan Muqdisho ayaa goordhow waxa uu sheegayaa in qeybo ka mid ah degmada WartaNbada lagu dilay Nin Oday ah oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Xamar Bile meel aan ka fogeen Saldhiga degmada Warta Nab ada,waxana la sheegay in Ninka Odayga ah isagoo goob Maqaaxi ah oo Shaaxa laga cabo fadhiya lagu dilay.

Ninka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Siciid Kaarshe,Macada waxa uu qaban jiray ninkaas iyo cida ka dambeysa dilkiisa balse,dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in qofkii ka dambeeyay dilka Odayga uu goobta isaga baxsaday.

JANARAAL JAAMAC MAXAMED QAALIB OO ISKA CASILAY GUDDOOMIYAHA SANDUUQA TAAKULEYNTA CIIDAMADA OO XALAY LOO MAGACAABAY.

Warar ay Dlsan heleyso ayaa sheegaya in Janaraal Jaamac Maxamed Qaaib oo iska casilay Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta Ciidamada oo xal ay loo magacaabay.

Jeneraal Qaalib aya warqadiisa is casilaada u gudbiyey madaweyne Far majo waxuuna ka cadur daartay inuu hawsha wado sida an warka ku heleyno.

Is casilaadiisa aya imaaneysa xii xalay lagu wareejiyey xilkaas.

Isku day aan kula xiriirnay jeneralka wu ka gaabsaday inu faahfaahiyo sababaha is casilaadiisa

UGANDA IYO KENYA OO IIBSADAY DIYAARADO SHABAAB AY KULA DAGAALAMAAN

Dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa waxa ay soo iibsadeen diyaarado ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Somaliya.

Kenya ayaa iibsatay 8 diyaaradood oo noocooda uu yahay MD 530F, ha lka dowladda Uganda ay iibsatay Shan diyaaradooda oo isla noocaasi ah, wax ayna ku iibsadeen lacag dhan $87.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Labadan dowladood ciidamo badan ayaa ka jooga Somaliya, diyaarada ha ay iibsadeen ayaa waxaa isticmaalo doona ciidamadooda ka jooga Somaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Uganda waxa ay horay u haysatay diyaarado dagaal oo ay Ruushka ka iibsatay kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso lix diyaaradood oo ah nooca SU 30.MK,waxaana ay ku biirisay waaxdeeda difaaca.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda BELL ee dalka Mareykanka laga leeyahay ee diyaaradaha ka iibisay Kenya iyo Ug anda, ayaa sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan diyaaradahan in loogu wareejin doono labadan dal si ay ugu adeegsa daan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka gaystaan dalalka Uganda iyo Kenya oo ciidamo badan ay ka joogaan Somaliya.

MAYDKA WIIL DHALINYARO AH OO LAGU ARKAY CEELASHA BIYAHA

Dadka deegaannka ceelasha biyaha ayaa xaqiijiyay in meel aanan ka fogeyn Saldhiga Booliska Ceelasha biyaha lagu arkay maydka wiil dhalinyaro ah oo rasaas lagu dilay jirkiisa ay ka muuqato.

Ninkaan dhalinyarada ah oo xalay la dilay ayaa la sheegay in la soo dhigay Saldhiga Ceelasha biyaha agtiisa, halkaasina ay ka qaaday maydka haweenay sheegtay inuu la dhashay wiilka la dilay, balse wax yar kadib taleefoon loo soo diray haweenaydaasi, kadibna lagu amray in maydka ay gayso halkii ay ka soo qaaday haddii kale la soo weerari doono.

Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha Cabdi Salaan Axmed oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ayaa sheegay ninka la dilay inaysan garaneyn inuu yahay ruux ka mid ah dadka ceelasha biyaha iyo inuu ka yimid meel kale.

Wuxuu sheegay maydka hadda inuu yaallo Saldhiga Ceelasha Biyaha, ehelada marxuumkana ay ku adag tahay inay qaataan maydka, maadaama inta la soo wacay loo hanjabay loona sheegay in la dilaayo haddii maydka halkaasi ay ka qaataan.

Dadka dilkaan ka dambeeya ayaa loo maleynayaa inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab oo dilalka qorsheysan ka gaysta Muqdisho iyo Gobolada dalka Somaliya.

Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaanan la ogeyn illaa hadda sabab rasmi ah oo ka dambeysa dilkiisa, inkastoo ehelada marxuumka ay sheegeen in wiilkooda uusan shaqo ku laheyn arimaha ku aadan siyaasada ka socota Somaliya.

AKHRISO:JEER DAD KU DISHAY DALKA NIGER

Wararka ayaa sheegaya in jeertan ay toogteen kadib markii ay soo weerartey lo’ daaqaysay meel u dhow wabi ku yaala Ayorou oo ah magaalo ku taala galbeedka gacanka wabiga Niger.

Deegaankan ayaa waxaa ku nool jeer badan oo loogu talagalay dalxiisayaasha, balse dadka deegaanka ayaa marar badan ka cawday xayawaankan oo beeraha xoog ku gala kadibna dalagyadooda cuna.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in jeertu ay sidoo kale ku ciriirisay biyaha wabiga, ayna ku dhib qabaan markii ay webiga biyo ka doontaan.

Saddex sano ka hor ayey sadex caruur dugsi ah dhinteen kadib markii ay jeer weerartey doon yar oo ay wateen meel aan ka fogeyn magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger.

TACSI TIIRAANYO LEHA

Maamulka iyo Howladeennada Wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper, Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u dirayaan Qoha Sare C/qaadir Cabdulle Nuur {Qalbi Dahab} iyagoo ugu tacsiyadeyna Geeridii ku timid Aabbihiis Cabdulle Nuur oo ku Geeriyooday M/Muqdisho Dhawaan waxayna Alle ugu Baryayaan in Marxuumka Naxariistii Janno uu ka Waraab iyo Qoyska iyo Qaraabadauu ka Baxayana uu Samir iyo Iimaan Saadaq ah ka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin

CUDUR DAAR IYO WARGELIN MAAMULKA WARGEYSKA UU BIXINAAYO

Dhammaan Akhristayaasheena Sharafta Badan ee ku taxanaa sheekada [Naag iyo Nasiib Ragga Waa Ey Ka Farixyaan}

waxaan Ugu Cudur Daaraneynaa Muddada Dheer aanan u soo saarin oo hakad xageenna ina galay darteed aha taasoo aan idinkaga cudurdaaraneyno ka maamul ahaan.oo aan idin leenahay inaga raali ahaada mahadsan Saaxiibayaal,

Waxaan ka Bogan doontaan sheekada Naag iyo Nasiib Ragga waa ey ka farixyaan

haddii alle idmo isniinta danbe ee 1772017

BOGGA CAYAARAHA

WARBIXIN: LIISKA CIYAARTOYDA U TIMID IYO CIYAARTOYDA KA TAGTAY ILAA IYO HAATAN XAGAAGAN KOOXAHA UGU WAA WEYN PREMIER LEAGUE

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa ah mid furan haatan waxaana kooxaha ay u kala ordayaan inay soo xerogeliyaan ciyaartoyda ay u arkaan inay xilli ciyaareedka soo socda xoojin karaan kooxahooda.

Kooxaha waa weyn ee Premier League ayaa si weyn uga dhex muuqda suuqa kala iibsiga, iyadoo Arsenal ay soo iibsatay weeraryahan Alexandre Lacazette halka Liverpool ay keensadeen Mohamed Salah, Man City waxa ay la soo wareegtao Bernando Silva halka Man United ay keensatay daafaca Lindelof.

Hadaba waxaan halkaan hoos idiin kugu soo gudbineynaa ciyaartoyda u timid iyo ciyaartoyda ka tagtay xagaagan shanta kooxood ee ugu waa weyn horyaalka Premier Leage.

ARSENAL :-CIYAARTOYDA U YIMID

Alexandre Lacazette – Lyon, 52 milyan ginni

Sead Kolasinac – Schalke, si bilaash ah

CIYAARTOYDA KA TAGTAY

Yaya Sanogo – waa la fasaxay

Stefan O’Connor – waa la fasaxay

Kristopher da Graca – waa la fasaxay

Kostas Pileas -waa la fasaxay

Takuma Asano – Stuttgart, amaah

Chris Willock – Benfica, lacagta lagu iibiyo lama yaqaano

CHELSEA:-CIYAARTOYDA U YIMID

Antonio Rudiger – AS Roma – 34 milyan ginni

Willy Caballero – Manchester City, si bilaash ah

CIYAARTOYDA KA TAGTAY

Juan Cuadrado – Juventus, £17.3m

Christian Atsu – Newcastle, £6.2m

Asmir Begovic – Bournemouth, lacagta lagu iibiyay lama yaqaano

Dominic Solanke – Liverpool, maxkamad ayaa go’aamineysa qiimaha

John Terry – waa la fasaxay

Alex Davey – waa la fasaxay

Fankaty Dabo – Vitesse, amaah

Bertrand Traore – Lyon, £8.8m

Nathan Ake – Bournemouth, £20m

Tammy Abraham – Swansea, amaah

Kasey Plamer – Huddersfield, amaah

Bradley Collins – Forest Green, amaah

Charlie Colkett – Vitesse Arnhem, amaah

EVERTON:-CIYAARTOYDA U TIMID

Wayne Rooney – Man Utd, lacagta lama sheegin

Jordan Pickford – Sunderland, £30m

Davy Klaassen – Ajax, £23.6m

Henry Onyekuru – Eupen, lacagta lama sheegin

Sandro Ramirez – Malaga, £5.25m

Michael Keane – Burnley, £30m

Josh Bowler – QPR, £4.25m

CIYAARTOYDA KA TAGTAY

Tom Cleverley – Watford, lacagta lama sheegin

Brendan Galloway – Sunderland, amaah

Arouna Kone – waa la fasaxay

Conor McAleny – waa la fasaxay

Jack Bainbridge – waa la fasaxay

Delial Brewster – waa la fasaxay

Michael Donohue – waa la fasaxay

Tyrone Duffus -waa la fasaxay

Russell Griffiths – waa la fasaxay

Connor Hunt -waa la fasaxay

Josef Yarney – waa la fasaxay

James Yates – waa la fasaxay

LIVERPOOL:-CIYAARTOYDA U TIMID

Dominic Solanke – Chelsea, maxkamad ayaa go’aamineysa qiimaha

Mohamed Salah – Roma, £34.3m

CIYAARTOYDA KA TAGAY

Andre Wisdom – Derby, qiimaha lagu iibiyay lama yaqaano

Tom Brewitt – waa la fasaxay

Jake Brimmer – waa la fasaxay

Jack Dunn – waa la fasaxay

Toni Gomes – waa la fasaxay

Kane Lewis -waa la fasaxay

Alex Manninger – waa la fasaxay

Adam Phillips – waa la fasaxay

MANCHESTER CITY:-CIYAARTOYDA U TIMID

Bernardo Silva – Monaco, £43m

Ederson – Benfica, qiimaha ay ku iibsadeen lama yaqaano

CIYAARTOYDA KA TAGTAY

Pablo Zabaleta – West Ham, si bilaasha ah

Enes Unal – Villarreal, £12m

Gael Clichy – waa la fasaxay

Jesus Navas – waa la fasaxay

Willy Cabellero – Chelsea, si bilaasha h

Bacary Sagna – waa la fasaxay

Billy O’Brien – waa la fasaxay

Ellis Plummer – waa la fasaxay

Angus Gunn – Norwich, amaah

Aaron Mooy – Huddersfield, £8m

Joe Coveney – Nottingham Forest, si bilaash ah

MANCHESTER UNITED:-CIYAARTOYDA U TIMID

Victor Lindelof – Benfica, £30.7m

Ciyaartoyda ka tagtay

Zlatan Ibrahimovic – waa la fasaxay

Wayne Rooney – Everton, lama sheegin lacagta

Regan Poole – Northampton, amaah

TOTTENHAM HOTSPUR:-CIYAARTOYDA U TIMID WELI CIDNA UMA IMAAN

CIYAARTOYDA KA TAGTAY

Filip Lesniak -waa la fasaxay

Conor Ogilvie – Gillingham, amaah

RAMOS OO ISKU AMAANAY ARIN CAJIIB AH OO UU SHEEGAY INUU KAGA DUWAN YAHAY DAAFACYADDA KALE

Kabtanka Real Madrid, ee Sergio Ramos ayaa wuxuu isku amanay inuu ka duwan yahay Dafaacyadda kale ee ka dheesha dhamaan Horyaaladda Qaaradda Yurub iyo xitaa kuwa kale ee dalalka Caalamka laga ciyaaro.

Wuxuu sheegay in sidaas uu uleeyahay inuu yahay hogaamiye aad uwanagsan, islamarkaana kooxda usoo hooya Guulala wax ku ool ah, dhaliyana Goolal xilli uu sheegay inay Naadigiisa ubaahan tahay.

Ramos, ayaa tibaaxay in arinka uu kaga duwan yahay Daafacyadda kale ay tahay inuu isagoo daafac ah uu udheelo sidii weeraryahan oo kale taasina ay tahay astaanka uu kaga duwan yahay Daafacyadda kale.

Isagoo wareysi siinayay MARCA, oo Spain kasoo baxda Spain ayaa yiri: "Dabcan waxaana kaga duwanahay Daafacyadda kale inaan ahay Hogaamiye wanagsan iyo inaan udheelo weeraryahan oo kale, goolal muhiim ah waan dhaliyaan.

INTERNATIONAL - FRIENDLIES

Zambia1 - 3 Zimbabwe

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip