Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo,Ee Heshiiska Saldhiga

0
Monday July 10, 2017 - 05:30:22 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo,Ee Heshiiska Saldhiga

    Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.

Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo,Ee Heshiiska Saldhiga 

 



Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland Yaasiin Maxamuud Xiir "Faratoon” oo la hadlayaay Wargeyska Geeska Afrika eek a soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu digniin u diray Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana waxa uu sheegay in amdax kasta ee soo marta dalka Soomaaliya ay ku mashquulaan siyaasada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku ka hadlay Wadada saxda ah oo ay u mareen hehsiiskii Saldhiga Meleteeri uga sameysanayaan Imaaradka Carabta waxa uuna yiri.

"Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.

xigash.radiodalsan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip