Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Mudug

0
Sunday July 09, 2017 - 20:28:50 in Wararka by
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Mudug

    Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in degaan u dhow hobyo uu ka dhacay Shil Gaari oo Khasaare geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in degaan u dhow hobyo uu ka dhacay Shil Gaari oo Khasaare geystay.

Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Shilka ayaa yimid ka dib markii uu rogmay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo kasoo baxay Hobyo , islamarkaana kusii jeeday Gaalkacyo.

Shilkan ayaa waxaa ku dhintay Hal Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha caafimaadka.

Dadka ku dhaawacmay shilkaan Gaari ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip