Jubaland oo eedeyn u jeedisay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijjiyadda dalka

0
Sunday July 09, 2017 - 20:14:47 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland oo eedeyn u jeedisay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijjiyadda dalka

    Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mari doono sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.
Mudane C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.


"Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixinnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharcigaā€¯ ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Wasiirka wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tinoolijiyadda dowladda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa dhawaan sheegay in meelmarinta sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda aad loogu baahanyahay xilligan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip