Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo safar lama filaan ku tagay magaalada Mosul

0
Sunday July 09, 2017 - 20:00:11 in Wararka by
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo safar lama filaan ku tagay magaalada Mosul

    Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa gaaray magaalada Mosul, si uu ugu hambalyeeyo guusha Ciidamada Ciraaq ka soo hoyeen dagaalkii ay uga saareen magaalada Kooxda Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa gaaray magaalada Mosul, si uu ugu hambalyeeyo guusha Ciidamada Ciraaq ka soo hoyeen dagaalkii ay uga saareen magaalada Kooxda Daacish.

Mr Abadi ayaa diyaarad kuwa ciidamada ku tagay, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaa uu la kulmi doonaa saraakiisha ciidamada ee howl galka hoggaaminayay.

Ciidamada Ciraaq oo taageero ka helayay Xulafada uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa dadaal ugu jiray la wareegitaanka magaalada tan iyo bishii October ee sanadkii hore, xilligaasoo uu bilowday howl galka ka dhanka ah Daacish.

Kooxda Daacish ayaa la wareegtay magaalada Mosul bishii June ee sanadkii 2014, iyadoo ay tahay magaaladii looga dhawaaqay Khilaafada Islaamka.

Magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Ciraaq ayaa si ba’an ugu bur burtay dagaaladii iyo duqeymihii ka socday.

Howl galka Daacish looga saaray magaalada ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamada Kurdiyiinta ee loo yaqaano Peshmerga, Dagaalyahano ka soo kala jeeda Sunniyiinta iyo Shiicada dalka Ciraaq.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip