Maalin walba $ 10 Million oo khasaare ah ayaa ka dhashay maqnaasha Internetka Soomaaliya

0
Sunday July 09, 2017 - 19:39:24 in Wararka by
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalin walba $ 10 Million oo khasaare ah ayaa ka dhashay maqnaasha Internetka Soomaaliya

    Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in khasaare Lixaad leh uu ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka Soomaaliya. Muddo ka badan laba toddobaad ayuu guud ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ka maqan yahay adeegga Internet-ka Viper Optic kaddib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in khasaare Lixaad leh uu ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka Soomaaliya. Muddo ka badan laba toddobaad ayuu guud ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ka maqan yahay adeegga Internet-ka Viper Optic kaddib markii uu markab jiiray xargaha soo qaada adeeggaas.

Adeegga Viper Optic-ga ayaa ka qeyb-qaata dhammaan howlaha Hay’addaha dowladda, shirkadaha gaarka ah iyo isku xirka Soomaalida iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya, mudane Eng Cabdi Canshuur Xasan oo wareysi siiyey TV- dowladda SNTV, ayaa yiri "Khasaaraha ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka waxaa uu uu gaarayaa celcelis ahaan maalin walba in la khasaaro $10 Million oo Dollar, mudadda uu maqan yahay-na ay kor u dhaafeyso $ 130 Million waa dhibaato weyn arrintaas waxaana ku howlanahay in aan soo gaabinno mudadda uu adeegga Internet-ka sii maqnaan karo”.



Wasiirka Boostada Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in uu Viper Optic isku xiro laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Dhoobleey Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu tilmamay in hal xarig oo kaliyah uu yimaado dalka, taasna ay tahay sababta xaaladdaan keentay, laakiin shirkadda Dalcom oo masuul ka ah adeegga Viper Optic-ga ay kala hadleen sidii looga gaashaaman lahaa in sidaan oo kale ay dib u dhacdo, taas oo keeni karta khasaare ka weyn midka hadda ka dhashay.

"Sababaha xoojiyey in xitaa la waayey back-up in ay tahay sharci la’aanta dalka ka jirta, waxaan 22-kii bishii June golaha wasiirrada geynay sharciga Isgaarsiinta oo ay si akhbaliyad leh ku ogollaadeen, Barlamaanka Soomaaliyeed ee labada aqal waxaan si sharaf leh uga codsanayaa in deg deg ah ay noogu ansixiyaan sharcigan oo meesha ka saari doona wax walba oo ka fog danaha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ogollaanaya ganacsiga xalaasha ah oo ay shirkadaha Soomaaliyeed dhan ku tartami karaan, sidoo kale in meesha laga saaro sida sharci darrada ah ee oo dhaco mar walba hantida shacabka gaar ahaan arrimaga Isgaarsiinta, wasaaradduna ay sii wadi doonto dedaalladeeda” ayuu yiri wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa xaqiijiyey in toddobaadkaan lagu guuleysan doono cillad bixinta Interter-ka oo uu yimid markabkii ka shaqeyn lahaa, rajo weynna ay ka qabaan in ugu dambeyn Jimcaha soo socda si dhammeystiran loogu guuleyto xallinta Internet-ka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip