Puntland oo Al-Shabaab ka dishay 18 dagaalyahan iyo Saldhiyo la burburiyay + Sawirro

0
Sunday July 09, 2017 - 19:33:06 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Al-Shabaab ka dishay 18 dagaalyahan iyo Saldhiyo la burburiyay + Sawirro

    War kasoo baxay taliska ciidamada PSF ee Puntland ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamada fuliyeen ku aileen 18 maliishiyo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuna burburiyeen hub iyo raashin yiilay saldhigyada la weeraray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay taliska ciidamada PSF ee Puntland ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamada fuliyeen ku aileen 18 maliishiyo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuna burburiyeen hub iyo raashin yiilay saldhigyada la weeraray.

Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa waxay sheegeen in ay burburiyeen saldhigyo kooxda Shabaab ku lahaayeen deegaanada Madarshoon, Diindigle, biyo Madow iyo Mariidle ee buuraha Cal Madow.

"Bartilmaameedka hawlgalkan ciidanka PSF ay fuliyeen ayaa ahaa goobo ay ururka argagixisada Al-Shabaab kaga sugnaayeen Buuraha Cal Madow, waxayna ciidanka PSF weerarkan ku dileen 18 ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab oo ay ku jireen saraakiil; sidoo kale ciidanku waxay hawlgalkaas ku gubeen kaydadkii labadaas saldhig oo ay yaaleen raashin,hub,rasaas iyo daawooyin”” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidamada PSF ee Puntland.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip