Mareykanka oo $ 639 Million ugu deeqay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

0
Sunday July 09, 2017 - 19:29:41 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo $ 639 Million ugu deeqay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin doollar ay ugu deeqeyso dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool dalalka Soomaaliya, Nigeria, Suudaanta Koofureed iyo sidoo kale dalka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin doollar ay ugu deeqeyso dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool dalalka Soomaaliya, Nigeria, Suudaanta Koofureed iyo sidoo kale dalka Yemen.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka qeyb-galayay Shirka G20 ee dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay nolasha dad badan oo xilligaan ku jira dhibaato culus.

Sidoo kale madaxweynaha Trump ayaa xusay in dalalka caalamka laga doonaayo in ay caawiyaan dalalkaasi oo uu sheegay in ay ka taagan yihiin Abaaro iyo dagaalada aan joogsiga laheyn.

Lacagtaan ayaa dhan $ 639 million oo dopllar, waxaana la sheegay in la sii marin doono hay’addaha samafalka oo ay ka mid tahay hay’adda WFP

Soomaaliya ayaa lacagtaas waxaa uga soo qaadaya in ka badan $120 million oo doollar oo la filayo in ay wax weyn ka tarto xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gudaha dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip