Wariye Cumar Seerbiya oo lagu xiray Hargeysa, xilli uu Muqdisho ka soo laabtay

0
Saturday July 08, 2017 - 19:47:27 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Cumar Seerbiya oo lagu xiray Hargeysa, xilli uu Muqdisho ka soo laabtay

    Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya), ayaa duhurnimadii maanta lagu xiray Magaalada Hargeysa, wax yar uun ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya), ayaa duhurnimadii maanta lagu xiray Magaalada Hargeysa, wax yar uun ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Cigaal.




Ciidamada Booliska, ayaa Wariye Cumar Seerbiya u sheegay in uu xarig yahay, ka dib markii ay Garoonka Cigaal ka soo cago dhigatay diyaarad uu ka soo raacay Magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo muddooyinkanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa ka hawlgelayay Telefishinka iyo Idaacadda Goobjoog, oo fadhigeedu yahay Caasimadda Muqdisho.

Lama garanayo ujeedada ka dambeysa xariga Wariyaha, balse waxaa loo maleynaya in lagu haysto aadista Magaalada Muqdisho, maadaama uu deegaan ahaan ka soo jeedo Somaliland.

Wariye-yaasha Magaalada Hargeysa, ayaa soo sheegaya inaanay weli Xukuumadda Somaliland wax war ahi ka soo saarin xariga Suxufiga Cumar Seerbiya.

15-kii bishii February, ayay ahayd markii Magaalada Hargeysa lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon, xilli uu ka soo laabtay Magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip