Xarrakada Al-shabaab oo Sagaal ruux ku gowracday gudaha dalka Kenya

0
Saturday July 08, 2017 - 19:16:40 in Wararka by
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarrakada Al-shabaab oo Sagaal ruux ku gowracday gudaha dalka Kenya

    Dagaalayahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa Sagaal ruux oo rayid ah ku gowracay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalayahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa Sagaal ruux oo rayid ah ku gowracay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya



 

 .

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dadkaan la dilay xilli habeen ah, balse Meydadkooda la helay subaxnimdii hore ee saakay, kaddib markiii ay ku soo war- galiyeen dadka xaafadda lagu dilay raggaasi.

Afar maalin ka hor ayeey koox looga shakisan yahay in ay ka tirsanayeen Al-shabaab waxaa ay saddex sarkaal oo Kenyaan ah ku dileen xaafad ka agdhaw goobta dilkan danbe ee Sagaalka ruux uu ka dhacay.

Goob jooge magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaalkaan qof ee la goowracay.

"Waxaa ay soo weerareen xaafadaha Jima iyo Poromoko waxaa ayna ku dileen sagaal qof oo rag ah waxaa ay u gowraceen sida digaagii oo kale” ayuu yiri goob joogaha in magaciisa la soo xigto.

Weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba sii xoogeysanaya, waxaana weeraradan danbe imanaya xili dalka uu isku diyaarinayo doorashada madaxtinimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip