Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre,Oo Caawa La Caweeyay Shacabka Muqdisho

0
Friday July 07, 2017 - 23:48:34 in Wararka by
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre,Oo Caawa La Caweeyay Shacabka Muqdisho

    Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho waxa uu kula kulmay dad masuuliyiin u badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho waxa uu kula kulmay dad masuuliyiin u badan.

Dadka uu Caawa la kulmay ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Xasan Cali Cade(Gaaboow) gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho xiligii dowladdii KMG,ka aheyd ee uu Madaxweyne ka ahaa Allaha u Naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed,Milkiilaha Hotelka Maka-Almukrama Kamaal Guutaalle,iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ay Shacab qeyb ka yihiin kuwaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah Wadada MakaAlmukarama ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dadkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo waxyaabihii muhiimka ah ee ay doonayaan in si dhaqso ah wax looga qabto.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu jawaabayey dadkii uu la kulmay, iyagoo waydinayey su’aallo la xariira go’aanada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi.

Qaar ka mid ah dadkii la kulmay Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayna ku dhiiri gelinayaan ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Ra’iisul Wasaarayaasha caalamka u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa door biday in uu dhex galo bulshada Soomaaliyeed intii uu fadhin lahaa xafiiskisa si uu ogaado baahida iyo in uu dhageysto talooyinka wanaagsan ee ku jira shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankan uu qeyb ka haa arrintaasi.   Sawirro:-

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip